Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" LABA NIN OO ISKU ADEER AH (Qaybtii 6aad) Maxamed Xoosh
Odhaada laga soo dheegtay falsafada XUKUNKA ayaa tidhaa
"Kursigu Hogaamiye Ma
Sameeyo Balse Hogaamiyaha Ayaa Kursiga Macne u Sameeya”
Bal aynu eegno sifooyinka muujinaya hogaamiyanimada Muj : Maxamuud Cabdi Shide AHN
1-
Wuxuu jeclaa in dadka ka agdhow uu tababar siiyo xaguu ka odhan lahaa
shaqeeya, Sidoo kale waxa ka muuqatay afcaashiisa INAGGA OO DHAN xaguu
ka odhan lahaa ANIGGA "Sifooyinka Hogaamineed” Ingagoo Somaliland ah
2-Wuxuu
lahaa Maskax Hal-abuur leh kolba waxa cusub ee soo dega "Internetkii
ugu horeeyay” ama xalal cusub oo lagu maaraynaayo wixii lasoo
gudboonaada
3-Wuxuu
jeclaa in dadku helaan XOG jaban oo bilaash ah si ay uga qayb qaataan
masiirka iyo maamulka dalkooda "xogta in la qariyo iyo in dadka la
lumiyo ayaa isku xidhan”
4- Shaqaalaha ama dadka ka agdhow isagaa dhiiri galin jiray wuxuu ahaa "Geed la hadhsado”
BAL aynu eegno Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo leh sifooyin Maareeye ama Maamul shirkadeed
1-Waxa
ka muuqata shaqaalaha dawlada hoose in lagu yidhi SHAQEEYA balse aan
tababar badan aan la siin , sida muwaadinka loola dhaqmo ayay markhaati u
ah
2-
Waxa weli lagu maamulaa dawladda hoose ee hargeysa sidii weligeedba
lagu maamuli jiray waxa u markhaatiya "buuqa dadweynaha ee joogtada ah”
3-
Shaqaalaha dawlada hoose waxay ka baqaan AMARADDA xaga sare kaga yimaad
balse shaqada sideeda uma wadaan "Adigoo Wasto adag haystamooyee”
4-Dadka
caasimadda degan ilaa imika xog rasmiya kama helaan dawlada hoose,
waxaan hubaa haddii ay XOG DAAH FURAN dadweynaha loosoo badhi dhigi
lahaa in dad badan iska nasan lahaayeen oo aan anigu ku jiro.
Alle Mahad Leh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...