Shiikh Shariif oo taageeray talaabada ciidankii diiday muddo kordhinta looga qaadayo Muqdisho

0
Thursday May 06, 2021 - 11:39:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiikh Shariif oo taageeray talaabada ciidankii diiday muddo kordhinta looga qaadayo Muqdisho

    Waxaan soo dhaweynahaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan soo dhaweynahaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo



Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa so dhaweeyay heshiiskii shalay laga gaaray rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ka dhashay muddo kordhintii loo sameeyay Mdaxweyne Farmaajo

 

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku boggaadiyey dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee uu ku doonayo in xal buuxa laga gaaro khilaafka hareeyay doorashada, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

 

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

"Waxaan soo dhaweynahaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhintii sharci darrada ahayd, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii. Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-Gaarsiinta, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September” ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

Qoraalka uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariifka ayaa waxaa uu sii raaciyay "Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul”

 

Ugu Dambeyn Sheekh Shariif ayaa u mahadceliyay guddiyadii kasoo shaqeeyey heshiiska laga gaaray rabashadihii ka dhacay Muqdisho iyo Saraakiishii badbaadiyay dalka, maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo sidoo kale saaxiibada Beesha Caalamka.


Loading...
Loading...