Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

0
Thursday May 06, 2021 - 11:42:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Guddiga faray inay si dhaqsi ah u bilaaban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Guddiga faray inay si dhaqsi ah u bilaaban


Madaxweyaha dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddi KMG ah oo baaris u magacaabay dilkii duleedka Magaalada Baydhabo loogu geystay Carruurtii walaalaha ahaa.



 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu magacaabay Guddigaan oo ka kooban 9-xubnood, kuwaasi baaritaan dhab ah ka keeni doona kiiska Carruurtii la dilay 7 bishii April ee sanadkan 2021.


 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Guddiga faray inay si dhaqsi ah u bilaaban howshooda, isla markaana natiijo dhab ah keenaan, si sharciga loo marsiiyo dadkii ka dambeeyay dilka Carruurta.


 

Taliska Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmo kahor warbaabhinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kiiska Carruurta loo haayo 6 ruux, isla markaana hal qof oo kamid ah uu kiiska ku cad yahay.

Loading...
Loading...