Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay In La Fashiliyey Qorsheyaal Ka Dhan Ah Amaanka Doorashada

0
Thursday May 06, 2021 - 11:36:32 in News by
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay In La Fashiliyey Qorsheyaal Ka Dhan Ah Amaanka Doorashada

    Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay In La Fashiliyey Qorsheyaal Ka Dhan Ah Amaanka Doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay In La Fashiliyey Qorsheyaal Ka Dhan Ah Amaanka Doorashada


Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa waxaa ay fashiliyeen kooxo doonayay in ay carqaladeeyaan ammaanka doorashada ee dalkaasi.




Waxaa sidaasi lagu sheegay warbixin ay soo saareen Sirdoonka dalka Itoobiya, iyagoona sheegay in kooxdan la qabtay ay dhaq-dhaqaaq ka wadeen Addis Ababa.


Kooxdan ayaa waxay baahinayeen hadallo ka dhan ah amniga Itoobiya iyaga oo ku gabbanaya dhibaatada loo geystay Amxaarada, ayaa lagu sheegay warbixinta siroonka Itoobiya.


Sidoo kale, warbxinta sirdoonka Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxdan lagu qabtay Hub iyo Qalabyo kale oo lagu jabsado khadka taleefannada.


Hoos ka akhriso warbixinta Sirdoonka:


Kooxda la fashiliyay waa qaar isku xidhan dal iyo dibad oo dhaqdhaqaaq ka waday caasimadda.

Qurbajoog budhcad ah ayaa bixiya dhaqaalaha, qorshaha, hubka iyo fikirka kooxda.

Waxa ku jira saraakiil anshax xumo lagu ereyay.

Waxay xidhiidh hoose la sameeyeen xubno ka tirsan dowladda, xisbiga talada haya iyo mucaaradka.

Waxay baahinayeen hadallo ka dhan ah amniga dalka iyaga oo ku gabbanaya dhibaatada loo geystay Amxaarada.

"Arrinta Addis Ababa ka aamusi maynoā€¯ ayaa halkudhig u ahayd.

Waxa lagu qabtay hub iyo qalabyo kale oo lagu jabsado khadka taleefannada.

Kooxdu waxay rabtay in ay isku dhufato shacabka iyo dowladda.


Loading...
Loading...