Maxaa Laga Filayaa Ka Qayb-gelayaasha Barnaamijka Shaqo-Qaran Qormada 4aad
W/Q: Sadam Osman Kaabash
Barnaamijka Shaqo-Qaran waa barnaamij ku sifaysan in dhallinyaradu
aaminaan diintooda iyo dalkooda, una helaan fakaak dadkooda iyo
dalkoodaba ugu adeegaan duruuf kasta, isla markaana karaamo ku
dhexyeeshaan bulshadooda Somaliland. Sidoo kale, dhallinyarada ka
qaybgelaysa barnaamijka Shaqo-Qaran waxaa laga filayaa in ay noqdaan
kuwa leh karaamo, hab-dhaqan suuban, oo laga dheehan karo muddakarnimo,
masuuliyad iyo sharaf ay yeeshaan kolka ay Qarankan u adeegayaan.
Dhallinyarada ka soo baxa Barnaamijka Shaqo-Qaran waxaa laga filayaa in
ay noqdaan kuwa lagu soo hirto, oo loogu marag furo daacadnimo, amaano,
run sheeg, ballan oofin, xil-gudasho suuban iyo is-xilqaan kolka ay
masuuliyadda Qaranka qaadaan.
Dhallinyarada ku jirta Carbiska Shaqo-Qaran waxaa laga rabaa in ay
noqdaan kuwa naxariis, kalgacal, iyo wanaag ku qaabila dadkay u
adeegayaan, ayna si hagar la'aan ugu shaqeeya qarankooda, dadkooda,
dalkoodana ugu adeega caddaalad iyo sinnaan. Dhallinyarada waxaa lagu
carbiyay wadaniyad buuxda oo ka dhan ah in ay noqdaan kuwa ka madhan
dhaqanada liita sida: eexda, musuqmaasuqa, gobolaysiga, qaraaba-kiilka,
qabyaalada IWM.
Ugu danbayntii dhallinyaradan waxay u carbisanyihiin in ay
bulshadooda iyo dalkoodaba ugu adeegaan si' mutadacwimo ah markay la soo
gudboonaato, iyaga oo ku kalsoon in ay ku meel maraan kartidooda,
aqoontooda, anshaxooda iyo khibradda ay ka barteen Carbiska Mudadii
Saddexda bilood ahayd.
Sadam Osman Kaabash
Medical lab Technologist
Freelance Jornalist.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...