Siyaasadu ma KHIYAAMAA?.
Qaybtii 2 aad (gunaanad) :
Caways wanaagsan dhamaan asxaabta qiimaha badan iyo warbaahinta qiimaha
badan ee Ina siiyey fursad aan isku waydaarsano hadba waxii inoo
muuqda.
Ilaahay waxaan inooga baryayaa in ilaahay soonka iyo salaadaba inaga
aqbalo, waxii dhibaataysan dhamaan umada soomaaliyeed iyo muslimiinta
aduunkaba in ilaahay dhibka ka dulqaado. Aamin.... Aamin.... Amiin.
Akhristayaal, waxaynu isa soo waydiinay (waa intiinii ila socotaye)
suaashii ahayd, siyaasadu ma KHIYAAMAA? Siyaasadu ma waxbay hagaajisaa
/qurxissaa mise waxbay kharibtaa?, siyaasadu bulshada miyay dhaawacdaa
mustaqbalkeeda mise way dhistaa /horumarisaa?...
*Does politics harm the people's will and their development or does it improve?.
Waxaynu kasoo jawaabnay, soo sharaxnay jaawaha aan ka bixinay
suaalahaas, ka dib waxaynu ogaanay fahamka guud ee siyaasada, waxa inoo
soo baxday sidan hoose:
. Siyaasadu waa aqoon/cilmi la barto, waqti LA galiyo, dhaqaale Ku
baxo (Politics is science /knowledge), aqoonta xalaasha ahina waxba MA
kiyaamayso,
siyaasadu waa shaqo LA qabto, maaha muran, afmiishaarnimo, guulwadayn iwm,
.Marka shaqo siyaasadeed /siyaasi ah LA qabto ee bulshada loo
qabto, siyaasadu waxbay qurxisaa, foolxumadana way la dagaalantaa.
Sadexdaas qodob ee waawayn aan kusoo koobo, Sidaas daraadeed,
siyaasadu waa wax wanaagsan, siyaasada wanaagsan waxba MA xumayso ee
waxbay dhistaa/ qurxisaa.
Intaas ayaynu kusoo gorfaynay qaybtii hore .........
Hadaba siyaasadaas wanaagsan ee wax wanaajisa, aqoonta ah, ee
bulshada LA rabo inay wanaajiso, qofka qaadaya ama curinayaa ee
qaadanaaya magaceeda, ee siyaasi loogu yeedhayaa waa Kuma, noocuu u
hadlayaa? Waa qof nooceeya marka uu bulshada LA hadlaaya?.
Si guud markaan u eegno, qof kasta oo nolol dhisaaya /hogaaminayaa
waa siyaasi toos ah ama waa mid dadban, waayo maaraynta nolosha
qaybaheeda Kala duwan ayaa u baahan siyaasad lagu maareeyo /lagu
hogaamiyo.Si gaara tan aan ka hadlaynaa waa siyaasada guud ee
dowladnimada iyo umada hoos joogta lagu hago, laguna maareeyo
noloshoodana.
Siyaasadu waa shaqo, Mar haday Shaqo tahay, Shaqadaas bulshada waxa u haya laba qaybood oo ka mida bulshada:
Hadba cida talada hogaanka dowladnimo u haysa bulshada, cida
fadhida xafiisyada dowlada /xafiisyada bulshadu wada leedahay. Qaybtan
waxa laga rabaa Inay ka shaqeeyaan siyaasada, oo ah shaqada lagu
ilaalinaayo sharciga bulsha u yaala, shaqooyin ka kale ee halbowlaha u
ah bulshada sida LA dagaalanka musuqa, ladagaalanka eexda,ladagaalanka
qabyaaladu, horumarinta dhismaha bulshada sida waxbarashada,
caafimaadka, dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka, jidadka, amingiga iyo difaaca
qaranka, ilaalinta Xuquuqda muwaadiniinta, dimiquraadiyada iyo
isbadalka xukunka oo ku yimaada tartanka loo siman yahay, qaybinta
khayraadka oo loo qaybiyo si siman, cadaalada iyo garsoorka iwm.
Siyaasadu waa Shaqadaas oo la qabto,
Cid kasta oo xukunka joogtana shaqooyinkaas ayaa laga Raba inuu qabto, lagulana xisaabtamo.
Guul wadayn iyo afmiishaarnimo Shaqo maaha.
Sidaas daraadeed qof kasta oo fadhiya xafiisyadaas /hay'adahaas
aan soo tilmaamay iyo kuwa aanan tilmaaminba ee dowliga ah waxa laga
rabaa inuu shaqo qabto, siyaasada ka shaqeeyo.
. Qaybta kale ee u xilsaaran inay Shaqo siyaasadeed
qabtaan/bulshada u hayaan shaqo siyaasadeed, waa qof kasta oo Shaqadaas
xukuumada daba taagan, in La qabtay, inaan LA qaban, dhaliisha jirta,
gaabiska ka jira shaqooyinka dowlada iwm waa xisbiyada, waa mufakiriinta
madaxa banaan, waa Cid kasta oo aqoon u leh arimaha siyaasada /fahamsan
arimaha bulshada waxa ka dhiman, waxa ka qaldan iyo waxa u saxsanba.
Dadku dhamaan siyaasada kama wada shaqeeyo, siyaasadu meel laga
ganac sado maaha, waa aragti dadka loogu adeego, lagaga sababato saaro
hadba dhibka jira.
Qofku markuu siyaasi yahay, waxa uu ka hadlaa waa danta guud ee
bulshada, MAx aa ka qaldan ayuu ka hadlaa, xalkana wuu dhinac dhigaa ,
kaasi waa ka debeda ka jooga ee Mucaaradka ah, ee ku ilaalinayaa
shaqadaas in LA qabtay iyo in kale.
Ka xukunka haya, isna bulshada waxa uu u sheegaa shaqada uu hayo,
waxii u qabsoomay dhinac walba, mustaqbalka meesha ay ku socdaan,
shaqada socota, AWOODA dhaqaale, iwm Sidaasuu bulshada ula hadlaa.
Labadaas aragtiyood ee ka kooban shaqadii siyaasada Qaybtii
(Operational) ka ahayd, (ninkii xafiiska fadhiyey) iyo ninka dabada ka
jooga ee ku ilaalinayaa shaqada(mucaaradkii), Doodaas Kala duwan ee mid
waliba ka duulayo danta bulshada, taas ayaa keenta tartanka siyaasiga
ah, dadkaa loo waramaayo, waa warkay qaataan uun, taas ayuunbaa
guushana Keenta iyo isbadalada , waxa laga hadlayaana waa inay noqotaa
shaqaas siyaasada ee aan soo sheegay.
Siyaasadu waa noocaas waa Shaqadaas socota...waa Shaqo dheeli tiran. (Competitive Balanced work).
Waxa jirta aragti kale oo caalmiya, oo tilmaamaysa qofka siyaasiga ah, waxay odhanaysaa sidan :
"qofka siyaasiga ah ee hanka leh, maslaxad shakhsiya wuu yeelan
karaa, siyaasiga saxda ah ee hanka leh waa inuu awood u leeyahay inuu is
waafajiyo maslaxadiisa shakhsiga ah iyo danta guud ee bulshada uu
siyaasiya u yahay (Reconciled interest) .
"qofka maslaxadiisu Mar walba ka xoog badantahay, siyaasi MA noqon Karo".
U kaalay Somaliland.
Dhalinta siyaasada ku jirta, dhalinyaro badan oo ku jira mucaaraka
iyo muxaafidkaba oo siyaasada si wacan uga hadla way jiraan waanan
bogaadinayaa , Mar walba waxay ka hadlaan arimaha bulshada.
Dhalinta siyaasada ku jira ama jecel inay ka hadlaan, (oo Inta badan
ah) siyaasada waxba kama fahamsana markaad eegto hadalkooda ama
qoraaladooda.
Waxaad arkaysaa nin ku odhanayaa siyaasi Ayaan Ahay, tvyada taagan,
maalin walba shir jaraaid qabanaya, Waxuu ka hadlayaana aanay
siyaasadba ahayn, qofbuu caayayaa, ama xisbi ayuu u duur xulayaa, ama
reer buu u duur xulayaa, ama farmaajo iyo xamar ayuu caayaya isagoo
tiisiiba liidato, waa qof xin uun ka muuqda, siyaasadii ayuu u fahmay
xin.
Siyaasi Ayaan Ahay ayuu ku leeyahay, Mala laha awood uu kusoo
bandigo dhibaatooyinka Kala duwan ee haysta bulshada uu ka midka yahay,
maxaa u diiday?.siyaasadii ayaanu fahamsanayn, xinbaa u diidan ama reer
hebel baa kaa hor Iman, ama ku farxi, iwm. Dalka iyo waxa ka jira
xogogaal Uma aha ayaad is odhanaysaa, Qaar badan OO xogogaal u ah ayaa
jira, laakiin siyaasadii ayay si kale u FAHMEEN, faham daradaas ayaa
quluubtooda xidhay, u diiday quluubtii furnayd ee aqoonta iyo garashadu
hogaaminaysay, wax kaalay ku xidheen.
Waxaan odhan lahaa markaas dhalintu ha fahanto markay inala
hadlayaan waxay inoo sheegayaan, hadaad qofaf ka hadlaysaan, siyaasadu
qof laga hadlo maaha ee waa shaqo LA qabto, shaqada qabo oo fahan ama
iska aamus.
Dhalinyaradu waa dedaalayaan, waan kula dardaarmilahaa inay wax
badan albriyaan aragtidoodana dhisaan, xinka iyo qof eryedkana iska
dayaan, aragti xora dalkooda ku dhisaan ama mucaarad noqo ama
muxaafid, siyaasi u noqo shacabkaaga, Cidna hala coloobin, u diyaargarow
Inaad mustaqbalka si siman u wada hogaamisa, noloshoodana aad wax kusoo
kordhiyo.
______dhamaad_______
Sir-Abdirashid Hussein Yusuf gahaydhle
Email [email protected]
Doha Qatar.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...