Bill Gates Muu boobin Hanti Qaran sida reer Cabdi Dameere Ee Waxa Uu Hantidiisa Ka Sameeyay Shirkadda Microsoft laga soo bilaabo hilladdii 1970-kii.

0
Thursday May 06, 2021 - 09:11:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bill Gates Muu boobin Hanti Qaran sida reer Cabdi Dameere Ee Waxa Uu Hantidiisa Ka Sameeyay Shirkadda Microsoft laga soo bilaabo hilladdii 1970-kii.

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed
Waxaad maqashaaba wixii kale ka daran oo waa iska adduunyo iyo yeelkeedda la ye reer Biixi Cabdi Dameere ayaa ku faanaya inay noqon doonaan Bill Gate oo siddiisa uga taajiri doonaan Somaliland. Allalylehe inaanay taasi ahayn wax qarsoon oo Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) ayaa waqti hore ka bilaabay inay ka taajiraan hantidda qaranka kadib markii uu beer ay lahayd xukuumaddii Siyaad Barre oo ku taalay agagaarka Geed Deeble oonin la odhan jiray Cismaan Dacas oo ka tirsanaa xoggagii SNM uu si ku meel gaadh ah u sii hayay inta Xukuumad la dhisayo. Cismaan waxa uu ka mid ahaa raggii ku foognaa soo celintii qarranimaddii la lumiyay 1960kii.



Yarka Maxamed Muuse Biixi (Ina wax ma yaqaan) ayaa qaba inay ka kori karaan salaana ka dhigan karaan kursiga aabbihii ku fadhiyo oo uu ku soo gaadhay quudhsi iyo karaamo beel badan oo ku soo dhacayay tan iyo intii dalka lagu soo laabtay ama ilaa iyo Qaaxo oo marar lagu xidhay Ethiopia guddaheedda waa intii SNM ay banaan joogga ahayde. Aakhirkiina qaabkii u uku fuulay kursigu ay ahayd in Aamina Weris Iyo Zam-Zam Cabdi Aadan oo is kaashanaya kana faa’iidaysanaya qalabaddii laga qaaday oday Siilaanyo, kana cararayay in lala xisaabtamo oo aan lagu soo oogin xatooyo xoolo dadwayne iyo hantiddii ay qaranka ka lunsadeen ay ka caawiyeen in uu noqdo madaxweynaha Siilaanyo badalaya ilayn waa tuug tuug ma xisaabiyee. Sidaas ayuu kursiga ugu fadhiistay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan), waana sababtii ay uga dareereen kooxddii uu Xirsi Xaaji Cali hoggaaminayay waana taa ta libta siisay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) xikmadduna waxay ahayd hana xisaabin kursiggana ku fadhiiso ayay ku so af jareen heshiiskaa xaaraanta ahaa.


Goormaa kuugu danbaysay qandaraasyo la bixiyo oo loo soo bandhiggo dadwaynaha reer Somaliland marka laga tago hal hal gurri oo la yidhi waxaa loo dhisay bangi dhexe sida ka ku yaala Oodwayne iyadoo aanay halkaa kuba noolayn dad badan, wax ganacsiyo oo badan oo ka jiraa aanu jirin. Laakiin waa kuwa lagu qariyo hantidda la lunsanayo sida ta Mr Baqdaadi dhaco oo kale si loogu farsameeyo tuugnimadda casriyaysan ee ay dhex dabaalanayaan Biixi iyo qoyskiisu iyo Baqdaadi oo isna dhankiisa ka miisaya. Tuug tuug ma qabto.


Marka laga yimaado hal halkaa gurri ee qandaraasyadda lagu Hadoodilayo mooyaane ma jiro qandaraasyo mug leh oo la bixiyay intii ay timi xukuumadda Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) taasi oo si hoose uu u jaqo inanka uu dhalay ee Maxamed, kaasi oo ah halka uu ka fananayo taajirmadda isaga iyo qoyskiisu doonayaan inaya ku gaadhaan kuna noqdaan Bill Gate ka Somaliland taasi oo ah xikmadda ka danbaysa taajirnimo doonka qoyskan Sahaya iyo Wakiilo loo noqdo shirkaddaha dalka ka shaqeeya sida Ethiopian Airlines oo loo xidhay yarkan Maxamed Muuse Biixi (Wax ma yaqaan) laba diyaaradood oo dalka iman jirayna loo joojiyay awgii si uu u ururiyo Maal badan oo ay caydha kaga baxaan
Qoyska reer Cabdi Dameere.


Maxamed Muuse Biixi oo ku ababay waa la taajiraa iyo wax baa la dhacaa oo aabbihii oo xikmadda dhaca, damaacigga iyo boobka ka sheekaynaya mooyee aan wax kale maqal ayaa  markii uu aabbihii noqday madaxwayne waxa uu qoyskooddii oo dhami isku rogeen ganacsato iyo Cagawaynayaal.


Caga-wayne waxa uu ahaa mid ay beel ka soo wada jeeddeen Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan), kaasi oo ku soo laabashaddii dalka dib loogu soo laabtay horaantii sannaddihii 1990kii la yimi fikir damaacino ah oo uu halku dhegiisuna ahaa "ku qabso ku qadi mayside” taasi oo uu ula jeeday haddii aad damaaciddo dhul qof kale leeyahay wuxuun baa kaaga soo go’i oo kol lagu yidhaa ku dhaarro inaad hantiddaa lahayd oo aad kitaab baalasha jartana dabadeedna la rumaysto beentaaddii waxna laguu xaqo, kolay lagu diri mayo wax la’aan halkaas ayay ka timi damaacinimadda reer Cabdi Dameere oo ay kala mid yihiin Cagawayne oo u ahaa Macallin. Boobkaa Cago-wayne waxa ay ku koobnayd dhul kaliya, laakiin tani waa ay filiqsan tahay dhul, TV, shidaal, qandaraaska timirta ciidamadda, kabaha ciidmadda, Wakiil diyaaradeed iyo meel kasta oo Dollar ka soo baxayo waxa ay ku tashadeen inay awood dawladeed u adeegsadaan oo ay lug ku lahaadaan. Taasi oo kuwii ay walaalaha ahaayeen ee Maraykan joogay xataa loo yeedhay si uu boobka qaranka lagu feeraariyay uga mid noqdo, waana kii buurta kala jeexan lagaga war helay isagoo siddii Caga-wayne leh anaa leh dhul baaxaddiisu wayn tahay iyadoo dadwayinihii dhulkaa laga faro maroojinayay ee buurta kala jeexani qireen inaanay waligii arag maqalna ninkan ay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) walaalaha yihiin ee ay iimaan la’aantu ka soo istaadhay Maraykan laakiin waxaanay dadkii cabanayay ogayn falsafadda ah ka taajira ee reer Biixi Cabdi Dameere taasi oo aanay ka warqabin dhibanayaashii dhulkoodda la dhacay.


Aan u soo laabto yarkan Maxamed Muuse Biixi ( Cabdi dameere) ma jirto ragganimo adiga, aabbahaa iyo adeerkaa oo ka soo hangalaysaty USA iyo dhamaan reer Cabdi Dameere meel aad hanti ku lahaydeen Aabbahaana waxa uu ka bilaabay markii dalka dib loogu soo noqday nuu boobo beertii dawladda ee Geed-deeble, kaasi oo si ku meel gaadh aha uu u sii hayay Alle ha u naxariisto ee Cismaan Dacas laga soo bilaabo maalintaa oo laga yaabo inaanad jirin ama aad aad u yarayd aabbahaa iyo idinka oo ah reer Cabdi Dameere oo isku dhan inaad boobtaan dadwayne iyo dawlad wixii uu lahaa qaranka Somaliland sir iyo caadna aad ku qaadataan idinka oo aan u Aabbo yeelayn yaa leh ma xalaalbaa mise waa xaaraan xidhana shaadhkii dawladnimo oo ku qadhaabanaaya taasina aydun cawaaqibkeeda arki doonta maalin maalmaha ka mid ah, ha dhawaato ama ha dheeraatee.

Adiga Maxamed Muuse Biixi miyaanad ahayn yarkii uu aabbihii u soo dhiibay sheekaddii dhan walba uga ekayd wanjalkii qaaxo ee aad ku Af-duubatay Cabdi Manaan Maxamed oo u abuuray dhalinyaro badan oo hablo iyo wiilalba leh shaqo abuur ay qoysaskoodda iyo nafahoodaba ku kaafiyaan inaad jeel ku hubsatay adiga oo ka faa’iidaysanay awoodda dawladnimo iyo shaadhka aabbahaa laguuna xidhay diyaaraddo rayida oo hore uga shaqayn
jiray Madaaradda Somaliland taasi oo si sharciga baal marsan laguugu xidhay inaanay diyaarad aan ahayn Ethiopia Airlines oo aad adigu Wakiil u tahay, soo caga dhigato Madaaradda Somaliland si aad u maasho siddii oo ay tahay hal reer Cabdi Dameere leeyihiin dalka intiisa kalena ku ah baaddi.

Haddaba gabagabadda Maqaalka waxaa lagaa yidhaa Bill Gate waa uu xoogsaday maalka uu haysto oo waxa uu ka sameeyay Microsoft ee bal adigu sheeg boolidda aad urursateen halka ay ka timi ee aan ahayn aabbahaa, adiga iyo qoyska reer Cabdi Dameere inaad tihiin wada Cali baabaayo soo qadhaab tagay. laakiin ay dadka reer Somaliland isha ku hayaan Shilin kasta oo aad ku macaashteen awood qaran iyo shaadh dawladeed waxaananu kaa nidhi Bill Gate Somaliland ayaan noqonayaa
"Sadka aanad lahaynee
suntan ee la yaqaan
Sahal looma Cantuuggo”
-
Xasan Xaaji Cabdillahi "Ganey” Ruwaayaddiisii "masiibaddu adduunyadda iyaddaa u Macallin ah” Aanu wakhtigga kula dhawrno adiga iyo qoyskaagga reer Cabdi Dameere oo yaanaan arkin idinka oo dhareerka qubaya marka nafuhu idin daynayaan ama inta ka horaysaba siddii adeerkaa Cago-wayne oo xaaraantii uu baalasha ku jarayay kitaabku quraanka ah intay soo ridatay, faaligna ku dhuftay kaasi oo ku hoyday isagoo oo dhareerka qubaya siddii Maahir.


Qore: Cabdi Muxumed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...