Muxuu salka ku hayaa khilaafka Ethiopia iyo Midowga Yurub?

0
Thursday May 06, 2021 - 08:06:17 in News by A. Asbaro
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu salka ku hayaa khilaafka Ethiopia iyo Midowga Yurub?

    Muxuu salka ku hayaa khilaafka Ethiopia iyo Midowga Yurub?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Ethiopia iyo Midowga Yurub?


Hargeisa(HWN):-Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sharraxaad ka bixiyay sababta Midowga Yurub u go'aansaday in uu joojiyo kormeereyaal ay u diri lahaayeen doorashada baarlamaanka ee shanta bisha June ee soo socota ka dhici doonta dalka Ethiopia.


Nabila Massrali ayaa u sheegtay wariyaha VOA James Butty in Ethiopia ay diiday inay buuxiso shuruudaha gundhigga u ah geynta kormeereyaasha goobaha doorashooyinka, oo ay ku jirto madax-bannaanida ergada.
Midowga Yurub oo Soo Dhoweeyey Go'aanka Afrika ee Diidmada Muddo Kororsiga Farmaajo – Goobjoog News

Waxay sidoo kale sheegtay in Etiopia ay diiday in howlgalka Midowga Yurub uu la yimaado qalab isgaarsiineed oo u gaar ah oo ay ku jiraan telefoonada satellite-ka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa toddobaadkan sheegay in aan loo baahnayn taleefoonada dayax gacmeedka, wuxuuna sababta ku sheegay in goob kasta oo doorasho laga heli karo hab isgaarsiineed oo hoosyimaada nidaamka Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana ay midowga Yurub isticmaali karaan.

"Waa wax laga xumaado in Midowga Yurub aanu heli damaanad-qaadkii lagama maarmaanka u ahaa astaamaha dimoqraadiyadda ee loo fidin lahaa shacabka Ethiopia. Hufnaanta kormeereyaasha doorashada ayaa udub-dhexaadka midowga Yurub" ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Midowga Yurub oo ku aaddanaa hakinta kormeereyaasha reer Yurub ee doorashada Ethiopia.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay Guddiga Doorashooyinka Ethiopia ay ugu deegeen 20-milyan oo lacagta Yurub ah, si dowladda Ethiopia u diyaariso doorashooyin hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Loading...
Loading...