Mataano:-Hooyo Si Mucjiso Ah U Dhashay Sagaal Mattaano Ah

0
Thursday May 06, 2021 - 07:58:13 in News by A. Asbaro
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mataano:-Hooyo Si Mucjiso Ah U Dhashay Sagaal Mattaano Ah

    Mataano:-Hooyo Si Mucjiso Ah U Dhashay Sagaal Mattaano Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mataano:-Hooyo Si Mucjiso Ah U Dhashay Sagaal Mattaano Ah

Hargeisa(HWN):-Xaliima Ciise oo ah haweeney 25 jir ah ayaa mar qura umushay mataano sagaal carruur ah - kuwaasoo labo ka mid ah aysan dhakhaatiirtu horay ugu arkin baaritaannada Kumbuyuutarka ee lagu sameyn jiray.


Hooyadan oo u dhalatay dalka Mali ayaa mataanaha ku dhashay waddanka Morocco. Dowladda Mali ayaa halkaas diyaarad ku geystay si loo siiyo daryeel gaar ah.

Carruurta mataanaha ah oo shan ka mid ah ay gabdho yihiin halka afarta kalena wiilal yihiin ayaa ku dhashay qalliin, xaaladdooduna aad bay u wanaagsan tahay, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee dalka Mali.
Three of the nonuplets born in Morocco to a Malian woman

Aad iyo aad ayay dhif u tahay in haweeney ay dhasho sagaal mataano ah isku mar - dhibaatooyinka caafimaad ee ka imaada xilliga dhalmada iyo kaddib ayaana inta badan sababa in carruurtaas qaarkood ay noolaan waayaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Morocco oo lagu magacaabo Rachid Koudhari ayaa sheegay in waligiis uusan maqlin sheeko ku saabsan sagaal carruur ah oo ku dhalatay mid ka mid ah isbitaallada dalkaas uuna u maleynayo in tani ay tahay markii ugu horreysay, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Fanta Siby, oo ah wasiirka caafimaadka ee Mali, ayaa hambalyo u dirtay kooxda dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha ah ee labada waddanba, iyadoo sheegtay in ay soo saareen natiijo lagu farxo.

Xaliima Ciise uurkeeda ayaa hadal heyn aad u ballaaran ka abuuray dalka Mali - xitaa markaas oo loo maleynayay inay caloosha ku siday toddobo carruur ah, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Wasiirka Caafimaadka ee Mali, Fanta Siby

Dhakhaatiirta ku sugan waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa walaac ka qabay in ay carruurta wada badbaadi karaan - sidaas darteed waxaa khasab noqotay in ay dowladda soo faragaliso arrinta.

Kaddib markii ay Xaliima joogtay labo isbuuc isbitaal ku yaalla caasimadda Mali ee Bamako, waxaa la soo saaray go'aanka ku sabasan in loo wareejiyo waddanka Morocco 30-kii bishii March, sida ay sheegtay Dr Siby.

Wasaaradda ayaa sheegtay in markii ay shan isbuuc ku sugneyd isbitaalka Morocco, waxay umushay maalintii Talaadada.
Hooyadan iyo kooxdeeda carruurta ah ayaa la filayaa inay dhowr isbuuc gudahood dib ugu laabtaan waddankooda.
Xigasho:-BBC-Somali
Loading...
Loading...