Xikmadihii Nolosha!

0
Wednesday May 05, 2021 - 10:55:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xikmadihii Nolosha!

    Waxaa jira laba nooc oo Daal ah. Mid waa daal aad hurdo iyo nasasho u baahan tahay. Midna waa daal aad Nabad iyo Nolol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira laba nooc oo Daal ah. Mid waa daal aad hurdo iyo nasasho u baahan tahay. Midna waa daal aad Nabad iyo Nolol

1. Dad qaarkii waxay ka qeybgalaan aaska markuu qof ehel ah geeriyoodo iyagoo muujinaya qiiro iyo inay daneyn jireen, laakiin ma daryeeli jirin kamana warqabi jirin inti uu noolaa

2. Waxaa jira dad ku maqli kara adigoo ku hadlaya kumanaan eray hadana aan ku fahmeyn. Waxaa jira dad ku fahmaya adigoo xitaa aan hal eray ku hadlin.

3. Haddii aad ka cabsan jirtay kelinimada (cidlada). Hada ka cabso inay saaxiib kuu noqdaan dad xun.

4. Qof kasta qalad ayuu sameeyaa nolosha, laakiin taasi macnaheedu maaha inay naftooda u ciqaabaan. mararka qaar dad wanaagsan ayaa sameeya doorasho xun, micnaheedu maaha in ay xun yihiin. micnaheedu waa in ay bini’aadan yihin

5. Waxaa jira shan kelmadood muhiim ah nolosha. Caqiido, Jaceyl, Daacadnimo, Aaminaad iyo Xushmad. Haddii ay noloshaada ka maqan yihiin ku dhaqanka Kelmadahan wax badan baa kaa dhiman.

6. U isticmaal codkaaga naxariis, dhegahaaga wax kheyr leh inay maqlaan, gacmahaaga sadaqo, maskaxdaada runta, qalbigaaga jaceyl, jirkaaga oo dhan cibaado iyo Alle ka cabsi.

7. Xabsiga ugu weyn ay dadka ku noolaadaan, waa cabsida iyo ka welwelida waxa dadka kale ka aaminsan yihiin

8. Hadii aad iska hadasho wax badan waxaad ku celinaysaa wixi aad horay u taqaanay keliya. Laakiin haddii aad dhageysato, waxaad baraneysaa wax cusub.

9. Dad qaarkii waxay garanayaan magacaaga keliya, ma oga qisadaada. Waxay arki karaan dhoolacadeyntaada keliya, ma oga xanuunkaaga. Waxay la yaabaan aamuskaaga, ma oga waxa maskaxdaada ka guuxaya. Waxay aqrin karaan qoraala daad soo qortay laakiin ma oga waqtiga aad galisay!

10. Waxaa jira laba nooc oo Daal ah. Mid waa daal aad hurdo iyo nasasho u baahan tahay. Midna waa daal aad Nabad iyo Nolol u baahan tahay. Soomaalidu waxaa haya daal ay u baahan yihiin nolol iyo nabad waarta.

Illaahow noo sahal intaa._ Aamiin!


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...