May rumoobin riyadaydii xalay..!! Qaybtii 1aad.

0
Wednesday May 05, 2021 - 10:44:50 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    May rumoobin riyadaydii xalay..!! Qaybtii 1aad.

    waa riyo aan ku cabiray sida mustaqbalka somalia u ekaan dono????????

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa riyo aan ku cabiray sida mustaqbalka somalia u ekaan dono????????



waa xilli maqribku siu dhamanayo,salaadi cishana aan wali la gaarin..waxa jira qabow aan badnayn oo cirka iyo daruuruhu waa ay is qabsadeen marka aad korka ka fiiriso magalada muqdisho waxa aad arkaysaa daruur iyo saasan roobed. mararka qaarki meel ka baxsan qiyaas ahaan daruuraha magalada muqdisho laga dheehan karaya biriq, oo qiyaasti aan isleeyahay waxa da'aya roob.

Leerarku waxa ay ka iftiimayan dhamaan wadooyinka magalada muqdisho. maka al-mukarama,wadnaha,soddonka.kuwa mara xaafadaha magalada muqdisho sido kale leerarku wa ay is badalayan mar waa caddaan,marna waa buluug(blue)..!! wadooyinka waxa lugaynaya dad ajaanib ah oo aysan la socon cid ilaalinaysa. halkan aan joognana waa goob la yiraahdo dream park ama (beerti riyada)! . beerta riyada waa beer cusub oo laga dhisay xaafada suuqa xoolaha ee magalada muqdisho.

waxa aan daremaya dhaxan aan badneyn laakin walwal iguma hayo sababto ah gaarigayga iigu jira qaybta bakcing-ka aya waxa igu dhex jira jacket aan dhaxanta ka xiran lahaa. Nalalka midabada qurxoon ee is bedelaya, jawiga il-qabadka leh ee ay dadka ku doogsanayan. waxa aan daremaya farxad ka duwan farxadihi aan haystay inta aan halkan joogo (dream-park). heerka shaqo abuurka aya aad usareya oo dadku waxay ay 90% noqdeen dad shaqo haysta. dahabka iyo luulka aynu so saarno waxa aynu u iib geynaa dalal ay ka mid tahay south africa. shidaalka somalia-na dalalka adunka aya ku tartamaya sida ay uso iibsan lahayen.

waxa la bilaabay dhismaha laamiyo oo lagu talagalay inay isku xiraan gobolada dalka si horumarka losii kordhiyo. caafimadka,waxbarashada,biyaha,korontada dhamaantod waxa ay yihin kuwo free ah oo dadku si lacag la'aan ah ayay ku helaan. inta aan jogay goobtan (dream-park) waxaa imanayay ajaanib badan oo donaya inay daawadan filmo kala duwan iyo musasalo halkaas kasocda maadama ay tahay goob aad uqurux badan. waxa ilasocda xaaska iyo curuda waxa ay iyagu dalbanayan in aan la daawado film kaaso ka socda qaybta shanemada ee beerta riyada lakin nin kamid aha saxibadaydi hore oo ay muddo isku kaya dambeysay ayan si kadis ah iskula kulanay beerta . xaaska iyo curada ayan u ogoladay inay galaan qaybta shanemada ee beerta si ay iyaga halkaas ugu daawadan filmka ay danaynayan. waxa aan macmacan ka ay filmka ku dawan lahayen uga gaday isla beerta aniga oo dhibay kaliya 3 shilling oo somali ah. waxa aan sheeko iyo is-xaalwaraysi wada galnay saxibkaygi aan sida kadiska ah ugu kulanay goobta. cabaar marki aan fadhinay ayaan maqlay cod iila muuqday in la tijaabinayo hub ay dowladu maalmo kahor kaso gadatay wadanka ruushka.Mohamed maxa dhacaya wa maxay dhawaqan!? ohh. sxp husein wa hubki aynu dhowan kaso gadanay wadanka ruushka oo la tijaabinayo mana ahan magalada dhexdeeda ee wa xeradi afgooye udhoweyd. kaama yeelin...!! waa wax ka dhacaya waddada maka al-mukarama.

ohh.. saxib riyo ayaad ku jirtaa ka kac riyada ma waxa aad rabtaa inaa dib inogu celiso waxyaalihi aan kaso gudubnay ee dhaca,dilka,boobka,qaraxyada. oo ay nogu dambeysay 2021. maya ee adiga ayaaa riyo kujira ka bax riyada...!!

waxaa iyimid walalkay Asad oo rabay inu iikiciyo salaadi cishaha si aan utukado wuxuna rabay marki aan salada tukado in aan wada cashayno.

labo dhirbaaxo ayu iigaliyay dhabanka kadib waxan kuso toosay aniga oo jooga xafadaydi degmada shibissariirtaydi oo go' baati ah oo iisaarna kaas oo qayb kamid ah dhulka iga yiilay waxaana weli aan iska bedelin dharki aan shaqada kaga imid kadib waxa aan xaqiiqsaday waxa aan caawa oo dhan arkayay inay ahayeen riyo...!!!????????????



lasoco qaybta labaad...2

W/Q Yacqub Caddaani

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...