Saylici Iyo Wasiiro Uu Hogaaminayo Oo Xalay Safar Ku Tagay Magaalada Boorama

0
Wednesday May 05, 2021 - 09:08:27 in News by
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saylici Iyo Wasiiro Uu Hogaaminayo Oo Xalay Safar Ku Tagay Magaalada Boorama

    Saylici Iyo Wasiiro Uu Hogaaminayo Oo Xalay Safar Ku Tagay Magaalada Boorama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saylici Iyo Wasiiro Uu Hogaaminayo Oo Xalay Safar Ku Tagay Magaalada Boorama


Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylicil) iyo xubno wasiirro ah ayaa Caawa fiidkii socdaal aan la shaacin ku tagay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.




Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa, ayaa waxaa deegaanka Gorayocawl ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Awdal, ka degmada Boorama, Waxgarad iyo qaar ka mida bulshada ku nool gobolkaas.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Axmed Maxamed Caalin Timbaro, maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa ay warbixino ka siin doonaan xaaladda gobolka Awdal iyo ta degmada Boorama.

Waxaanay sheegeen in arrimaha xogaha ka siin doonaana ay ka mid tahay roobab ka da’ay degaano hoos yimaada gobolkaas oo dhibaatooyin gaystay iyo xaaladda gobolka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylicil), ayaa sheegay mudada uu safarka ku joogo gobolka Awdal uu u kuur gali doona xaaladda guud ee gobolkaas, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxyeelada roobabka iyo mashaariicaha horumarinta ah ee gobolkaas ka socda.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa waxaa safarkaas ku wehelinayay Wasiirada wasaaradaha Caafimaafka Cumar Cali Cabdilaahi, Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed, Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye.


Loading...
Loading...