Madaxweyne Farmaajo Ma Dacwad Ayaa Kaga Socotay Maraykanka Wakhtigii Uu Celiyey Dhalashadii Dalkaasi?

0
Wednesday May 05, 2021 - 09:02:49 in News by
  • Visits: 1178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Ma Dacwad Ayaa Kaga Socotay Maraykanka Wakhtigii Uu Celiyey Dhalashadii Dalkaasi?

    Madaxweyne Farmaajo Ma Dacwad Ayaa Kaga Socotay Maraykanka Wakhtigii Uu Celiyey Dhalashadii Dalkaasi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Ma Dacwad Ayaa Kaga Socotay Maraykanka Wakhtigii Uu Celiyey Dhalashadii Dalkaasi?


Warbixinta uu qoray, wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee New York Times, waxaa lagu sheegay in xilligii Madaxweyne Farmaajo iska celiyey dhalashada waddankaas, ay muddo u dhaw ku bilaabatay baadhista kiis dacwadeed khuseeya dhanka cashuur celinta.

Madaxweyne Farmaajo


Waxaa dacwaddaas billaabay Waaxda Dakhliga Guud ee Canshuuraha, "taas oo ka mid ahayd sababaha Farmaajo ku kallifay in uu iska celiyo dhalashadii waddankaas," sida ku xusan warbixinta wargeyska.

"Sababta madaxweynuhu u celiyey baasaboorka Maraykanka waa sheeko dheer, faahfaahinteedana aan hore u bixinnay, kuma jirto marnaba in uu sababo kale u dhiibay", ayuu yidhi Cabdirashiid Xaashi, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuuna intaa raaciyey in "haba yaraatee in madaxweynaha aan weligii lagu soo oogin wax dacwad ah".

"Madaxweynaha jamhuuriyadda wax dacwada oo xilliyadas kaga socotay Maraykanka ma jirto, weligiina laguma soo eedayn", ayuu yiri.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa hoorraantii bishii Maarso, sannadkii 2018, soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalalka kale ee caalamka.

Digniintaas, oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo, ayaa lagu sheegay in ay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay ku tilmaamtay arrin aan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda.

"Kiisaska la xiriira muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah, waxaa ka dhalanaya su'aalo adag oo la xiriira sharciyada caalamiga ah. Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta", Ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in digniinta aysan quseyn muwaaddiniinta u dhashay Mareykanka ee u shaqa taga dalal kale, balse aan ku lugta lahayn go'aannada siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa illaa laba jeer ka baaqday shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York ka dhaca sannadkasta.

Baraha bulshada ayaa la isku weydiiyey xilligaas sababta uu madaxweynaha markii labaad uga baaqday shirkaas. Dadka qaar waxay u sababeeyeen in madaxweynuhu "haysto baasaboor Mareykan ah", sidaasi darteedna uu u baaqday, sida lagu xusay warbixinta wargeyska.

Madaxweyne Farmaajo ma wuxuu haystaa dhalashada dal kale?

Waxay ahayd 1-dii bishii Ogos ee sannadkii 2019-kii markii Villa Somaliya ay baahisay xogta ah in Madaxweyne Farmaajo uu iska celiyey dhalashadii uu ka haystay dalka Maraykanka, iyaga oo sheegay in si iskii ah uu u go'aansaday.

Waxaana xilligaas warbixin lagu sheegay in hawshani soo bilaabatay tan iyo markii madaxweynaha uu xilka qabtay, feebarweri 2017.

Dhawaan se warbaahinta New York Times waxay baahisay xog sheegaysa, in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haysto dhalashada dalka Canada.

Farmaajo ayaa tegay dalka Mareykanka, sannadkii 1985, wuxuu xilligaas ahaa diblomaasi dhallinyaro ah oo ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya.

Ka dib markii soomaaliya ay ka bilowdeen dagaalladii sokeeye, wuxuu go'aansaday inuu sii joogo. Sida ay qortay New York Times, nin ay saaxiibo yihiin oo sida oo kalena qaraabo ay yihiin Farmaajo wuxuu sheegay in uu markii hore magangalyo siyaasadeed ka dalbaday Canada, halkaas oo ay ku noolaayeen hooyadiis iyo walaalihiis, markii dambena uu helay baasaboor Canada.

Wargeyska New York Times, wuxuu sheegay in aanay wax falcelin ah ka helin dhanka dawladda, laakiin BBC Somali oo la xidhiidhay waaxda warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya waxay kaga jawaabeen in aanay arrintaas haba yaraatee, waxba ka jirin.

Cabdirashiid Xaashi oo madax ka ah xafiiska warfaafinta Villa Somaliya wuxuu yiri: "Waan akhriyey waxa wargeyska uu qoray. Run ahaantii warar aan sal iyo raad lahayn ayaa ku jira."

"Madaxweynahu waxa uu haystaa baasaboorka Soomaaliya, hore na wuxuu u haystay ka Maraykanka, waana kii iska dhiibey madaxweynuhu, si uu shaqadan uu u dhaartay ee madaxtinnimo ee dalka uu si hufan ugu guto. Ma jirto markaa dal kale oo dhalashadiisa uu haysto oo aan ka ahayn Soomaaliya".

Sida uu daabacay New York Times, 2017-kii, waxaa loolanka doorashada Soomaaliya ka qeybgalay ku dhawaad shan musharrax oo haysta dhalashada Mraaykanka.





Loading...
Loading...