Guddoomiyaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Iyo Waxyeeladdii Roobabka

0
Wednesday May 05, 2021 - 08:55:35 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Iyo Waxyeeladdii Roobabka

    Guddoomiyaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Iyo Waxyeeladdii Roobabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Iyo Waxyeeladdii Roobabka

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay Doorashooyinka is barkan ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31-ka bishan May, isagoo bulshadda reer Somaliland ugu baaqay inay dhawraan Xasilloonida iyo Nabadgelyadda guud ee dalka.
Guddoomiyaha Guurtidda Somaliland Oo U Jawaabay Madaxweynaha Puntland – HargeisaPress


Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo kormeer shaqo ugu tagay Guddiga joogtadda ee Golaha Guurtidda oo iyagu sii shaqeeya mudada uu Goluhu fasaxa ku jiro, waxa uu Ammaan iyo Boggaadin u soo jeeddiyay Xubnaha Xildhibaannada Guddiga joogtadda ah ee Guurtidda, kuwaasoo uu ka codsadday inay soo kormeerraan dadkii dhibaataddu ka soo gaadhay Roobabkii maalmihii la soo dhaafay ka da'ay magaalada Hargeisa ee xarunta Caasimadda Soomaalilaand.

Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay Shacabka reer Somaliland inay u diyaar-garoobaan doorashooyinka isku sitkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland.

Loading...
Loading...