Xisbiga Waddani Oo Safiirka Ingiriiska Gaadhsiiyey Ashkato Ka Dhan Ah Taliye Dabagale Iyo Muuse Biixi

0
Tuesday May 04, 2021 - 20:57:46 in News by
  • Visits: 1152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Safiirka Ingiriiska Gaadhsiiyey Ashkato Ka Dhan Ah Taliye Dabagale Iyo Muuse Biixi

    Xisbiga Waddani Oo Safiirka Ingiriiska Gaadhsiiyey Ashkato Ka Dhan Ah Taliye Dabagale Iyo Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Safiirka Ingiriiska Gaadhsiiyey Ashkato Ka Dhan Ah Taliye Dabagale Iyo Muuse Biixi

Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa safiirka dalka Ingiriiska iyo wefti la socday ka ashkateeyey  taliyaha ciidanka booliska Maxamed Saqadhi Dabagale.





Gudoomiye Cirro iyo masuuliyiinta ugu sareeya xisbiga Waddani ayaana weftiga ka socda dalka UK u sheegay in xadhig sharci daro ah lagu hayo musharixiinta uga qayb galaya doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo deegaanada dalka.

gudoomiye Cirro oo sharaxaya fariinta ay u gudbiyeen safiirka dalka Ingiriiska ayaa waxa uu yidhi "Waxa aan galabta anniga iyo Hoggaanka Sare ee Xisbiga kulan la qaadannay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriisku u soo Magacowday Dalalka Jamhuuriydda Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Kate Foster iyo Madax ka socotay Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

Safiiradda waxa aan si ban-yaalnimo ah uga wada hadalnay hannaanka qabashada doorashada isku sidkan ee muddeysan, tacadiyadda joogtada ee Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga qayral-Dastuuriga ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka Qaranka isla markaana haysta xasaanaddii Xeer Lr 91/2020 uu siiyey Murashixiinta.

Si cad waxa aanu u qeexaynnaa in aannaan Xisbi ahaan marnaba aqbali karin sii socodka xadhiga tacaddiyada ka dhanka ah ee Murashixiinta Xisbiga WADDANI, waxaanan Xukuumadda ugu baaqayaa in ay xorriyaddiisa u soo celiyaa Murashaxa Qaasim Aadan Saleebaan oo siffo sharci darro ah Boolisku ku haystaan isla markaana ay sharciga ku tunteen.

Loading...
Loading...