Dowladda UK oo Somaliland ka hirgalinaysa mashruuc ay ku baxayso lacag dhan 17 milyan oo dollar

0
Tuesday May 04, 2021 - 18:03:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda UK oo Somaliland ka hirgalinaysa mashruuc ay ku baxayso lacag dhan 17 milyan oo dollar

    Dowladda UK oo Somaliland ka hirgalinaysa mashruuc ay ku baxayso lacag dhan 17 milyan oo dollar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda UK oo Somaliland ka hirgalinaysa mashruuc ay ku baxayso lacag dhan 17 milyan oo dollar


Hargeisa(HWN):-Dowlada Ingiriiska, ayaa 17 milyan oo dollar ku maal galinaysa mashruuca Hargaysa pypass road, oo ah wado 22.5 KM ah, taasi oo la doonayo in baabuurta waaweyn ee xamuulka magaalada Hargaysa lagaga leexiyo.



Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, ayaa si wadajir ah mashruucan uga dhagax dhigay duleedka bari ee magaalada Hargaysa.

Guddoomiyaha mashruuca Berbera Corridor Ciise Xamari, ayaa sharaxad ka bixiyay mashruucan iyo u jeedada laga leeyahay.

"Wadadan dherer keedu waa 22.5 KM waxayna ka wareegaysa duleedka magaalada ee waqooyi, waxayna ka bilaabmaysa Haleeya (kantaroolka bari ee Hargaysa), kuna dhamaanaysa isbitaalka Shifo” ayuu yidhi Xamari.

"Wadadani waxay qayb ka tahay Berbera Corridor, magaalada ayay samxada ka qaadaysa, waxana loogu talo galay in markay dhamaato ay mari karaan 1000 baabur oo xamuula maalintii halkay imika maraan 30 ama 40” ayuu hadalkisa kudaray.

Wadadan oo qayb ka ah Berbera Corrdor, ayaa marka la dhamaystiro waxay sahli doontaa in baabuurta waa weyn ee xamuulka laga leexiyo magaalada Hargaysa oo ay markii hore dhexmari jireen
Loading...
Loading...