Cumar Cabdirashiid Sharmaake oo ROOBLE usoo jeediyey talo la xiriirta taliyeyaasha ciidamada DF

0
Tuesday May 04, 2021 - 16:24:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Cabdirashiid Sharmaake oo ROOBLE usoo jeediyey talo la xiriirta taliyeyaasha ciidamada DF

    Waxaa uu sheegay in haatan is aaminaad darro weyn ay soo kala dex gashay ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay in haatan is aaminaad darro weyn ay soo kala dex gashay ciidamada




Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa talo la xariirta gadoodka ciidan ee ka taagan magaalada Muqdisho waxa uu u soo jeediyey Ra’isul wasaare Rooble.

 

Cumar Cabdirashiid oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa Ra’iisul wasaare Rooble kula taliyey in marka hore uu dib u habeyn xoog leh ku sameeyo hoggaanka ciidamada Qaranka, si ay ugu fududaato maareynta geedi socodka doorashooyinka dalka.

 

Waxaa uu sheegay in haatan is aaminaad darro weyn ay soo kala dex gashay ciidamada iyo saraakiisha dowladda, kadib markii ay dhawaan ku dagaalameen gudaha magaalada Muqdisho, sidaas darteedna ay muhiim tahay in tallaabo la qaado si doorashadu ugu dhacdo jawi nabdoon.

 

"Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra’iisul wasaaruhu waxa uu mudan yahay jawi deggan, si uu ugu guuleysto wada-xaajoodyada, loona maareeyo geedi-socodka doorashooyinka. Xaaladaan ayaa si deg deg ah loogu baahan yahay dib u habeyn hoggaanka hey’adaha amniga ah, si loo mideeyo loona tayeeyo ciidamada,” ayuu yiri Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.


Loading...
Loading...