Ra'iisul Wasaare Rooble oo Guddi u saaray khalalaasihii ka dhacay Muqdisho

0
Tuesday May 04, 2021 - 16:16:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo Guddi u saaray khalalaasihii ka dhacay Muqdisho

    Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddigan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddigan


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka soo tala bixiya xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka 11-xubnood, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobe ayaa faray Guddigan ka kala socda Dowladda iyo Mucaaradkaa inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Guddiga la magacaabay ayaa kasoo tala bixinaya xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeday muddo kordhintii lasoo sameeyay.




Loading...
Loading...