10 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso

0
Tuesday May 04, 2021 - 16:09:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso

    Waxaa Jira Waxyaabo Dib U Celinaya, Kana Hortaagan Inay Gaaraan Horumar La Taaban Karo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Jira Waxyaabo Dib U Celinaya, Kana Hortaagan Inay Gaaraan Horumar La Taaban Karo



Dabcan Dad Badan Waxay Isbedel U Sameyn Waayeen, Waxaa Jira Waxyaabo Dib U Celinaya, Kana Hortaagan Inay Gaaraan Horumar La Taaban Karo. Halkan Hoose Waxaa Ku Xusan Fikrado Wax Ku Ool Ah:

1. Jooji Inaad Naftaada Been U Sheegto, Khiyaalina Aad Ku Maaweliso. – Nooca Ugu Xun Beenta Waa Inaad Naftaada Been U Sheegto. Nolosheenu Waxay Horumartaa Keliya Markaan Fursadaha Ka Faa’iideysano, Fursada Ugu Horeysa Uguna Daran Aan Qaadan Karno Waa Inaan Nafteena Daacad U Noqono.

2. Jooji Inaad Waqti Ku Lumiso Asxaabta Xun. – Noloshu Way Gaaban Tahay Inaad Waqti Ku Lumiso Dad Farxada Kaa Qaada. Kala Garo Nooca Saaxiibada Aad Leedahay. Saaxiibka Xun Keliya Gadaal Buu Kuu Dhigaa.

3. Jooji Inaad Ka Cararto Dhibtaada. – Wajah Dhibtaada Ilaa Aad Ka Xalliso. Ma Aha Wax Sahlan Mana Jiro Qof Aduunka Dhib La’aan Ah. Xaqiiqdii Waxaa Na Soo Maraya Murugo, Kadeed, Kufid & Dhaawac, Nolosha Ayaa Sidaa Ah. Waxaa La Rabaa In La Wajaho, La Aqbalo, Laga Feejignaado Lana Xalliyo. Tani Waa Waxa Kaa Dhigaya Qofka Aad Rabto Inaad Noqoto.

4. Jooji Inaad Naftaada U Lumiso Naf Kale. – Xanuunka Ugu Daran Waa Inaad Naftaada U Dayacdo Jaceyl Naf Kale Oo Xad Dhaaf Ah. Ogow Qof Naftiisa Jecel Ayaa Qof Kale Jaceyl Siin Kara.

5. Jooji Inaad Xaasid Noqoto. – Xaasidnimadu Waa Inaad Xisaabiso Waxyaabo Qof Kale Alle Ku Maneystay Aadna Uga Xumaato, Inti Aad Adiga Taada Xisaabin Lahayd.

6. Jooji Inaad Ku Noolaato Xusuusta Wixi Aad Soo Martay. – Wixi Horay U Dhacay Waa Taariikh, Weligood Ma Soo Noqonayaan. Welwelka & Xusuustooda Waxay Kaa Qaadayaan Farxada Maanta.

7. Jooji Cabsida Inaad Khalad Sameyso. – Inaad Wax Sameyso Oo Qalado Waxay Toban Jeer Ka Fiican Tahay Inaadan Waxba Sameyn. Guul Kasta Waxay Leedahay Fashil Badan, Fashil Kastana Guul Ayuu Ku Gaarsiiyaa Ugu Dambeynti.

8. Jooji Isku Dayga Inaad Farxad Iibsato Ama Dad Kale Ka Raadiso. – Haddii Aadan Ku Faraxsaneyn Qofka Aad Tahay & Waxa Aad Heysato Ma Jiro Cid Kale Oo Farxad Ku Siin Karta & Waxyaabo Qaali Ah Oo Farxad Kuu Keeni Kara. Waa Inaad Deganaan & Qanacsanaan U Abuurtaa Naftaada Markaa Ayaad Cid Kale Siin Kartaa.

9. Jooji Caajis, Wahsi & Inaad Iska Fadhido. – Nafta Oo Aad Siiso Firaaqo Badan Ay Isaga Fadhido, Ku Fakirto Ama Hawl Kuu Taalay Aad Ka Wahsato Waxay Horseedaan Burbur & Fasahaad. Ku Mashquuli Nafta Shaqo, Wax Aqris & Sameyn Wax Faa’iido Kuu Leh.

10. Jooji Inaad Midabkaaga Bedesho. – In Badan Waxay Muuqooda Ku Lumiyeen Banaanka Ka Raadin Qurux. Kuma Qanacsana Naftooda. Mar Haddii Qofku Yahay Abuurti Alle Ma Jiro Wax Ka Qurxoon. Yaa La Isu Bedelayaa? Ma Qof Aan Asal "Original” Kugu Rabin Oo Qurux Aan Dabiici Ahayn "Artificial” .Kugu Raba Jiro ?




Daaci Saciid Cusmaan

Abdi Fitah Mohamed Aza

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...