Xaqiiqo Ku Taabanaysa Adiga.

0
Tuesday May 04, 2021 - 16:03:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiqo Ku Taabanaysa Adiga.

    Wuxuu ka tagay hanti dhan $ 7 bilyan Waa kuwan qaar ka mid ah ereyadiisii ​​ugu dambeeyay:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu ka tagay hanti dhan $ 7 bilyan Waa kuwan qaar ka mid ah ereyadiisii ​​ugu dambeeyay:

Bilyaneer Steve Jobs oo ahaa maalqabeen ganacsade Mareykan ah ayaa geeriyooday. Wuxu ahaa Gudoomiyaha Gudiga Maamulka Apple. Asagoo 56 jir ah ayuu u geeriyooday xanunka Kansarka.

Wuxuu ka tagay hanti dhan $ 7 bilyan.

Waa kuwan qaar ka mid ah ereyadiisii ​​ugu dambeeyay:

"Aragtidayda hadda, noloshaydu waa mid ay guushu udub-dhexaad u tahay, laakiin kuma haysto farxad badan waxa aan haysto, ugu danbayn, maalku wuxuu noqonayaa un tiro ama wax aan waxba tarayn.

Xilligan la joogo, anigoo ku jiifa sariirteyda, xanuunsan oo xusuusanaya cajaladdii noloshayda, waxaan garwaaqsaday in dhammaan sumcaddayda iyo maalkeyguba ay yihiin kuwo aan macno lahayn marka loo eego geerida igu soo socota.

Waad kiraysan kartaa qof kuu kaxeeya gaarigaaga, ama adeege wax kasta oo baahidaada ah ku qabta, ama waxaad shaqaalaysiin kartaa Madax si ay u maamulaan meheraddaada ayna u kasbaan lacag iyo caannimo badan.

Laakiin - dabcan - ma ku shaqaalayn kartid qof, qiimo kasta, si aad ugu wareejiso xanuunka ama jirrada asaga oo ku metelaya.

Qofku wuxuu heli karaa wax kasta oo gaar u ah sida uu jecel yahay, laakiin waxaa jira hal shay oo aan la heli karin waana qofku markuu waayo "nolosha".

Markastaan sii weynaanoba wan sii caqli badnaannaynaa, waxaanan ogaanaynaa in saacadda hadii qiimaheedu yahay $ 30 ama $ 3000 - labaduba ay sheegayaan kaliya waqti iyo daqiiqadd isku mida.

Waxan ognahay inaan sidano wallet: hadii qiimahiisu yahay $ 30 ama $ 500, tirada lacagta ku jirta isma badalayso waa isla inti aad ku riday.

Haddii aan wadano gaari qiimihiisu yahay $ 150,000 ama $ 15,000. wadada iyo masaafada aad soo martay waa isku mid, aakhirka waxaan gaari doonnaa isla meeshii aan u soconnay.

Haddii guriga aan ku nool nahay uu yahay 300 mitir murabac, ama 3000 mitir murabac. Halbeeggu waa isku mid. Ma ku socon doontid ama ma seexan doontid wax ka badan dhowr mitir.

Farxadda dhabta ah ee gudaha kama timaaddo waxyaabaha maadiga ah ee aad haysato. Haddii aad ku safreyso tigid Kuraasta Koowaad ( qaaligaah) ama Kuraasta qiimaha jaban .Oo ay diyaaraddu dhacdo, qof walbaa oo saaran way la dhacaysaa.

Waxaan rajeynayaa inaad fahantay in marka aad leedahay han iyo himilo sare noloshada, oo aad samaynayso waxqabadyo kuwa kale ka farxinaya, taas ayaa kuu ah farxada runta ah!

Khalaaaas - dhamaaatay!.




Geesiga Hiiraan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...