Dardaaran Iyo Digniin Ku Socota Gabdhaheena Qaaliga Ah

0
Tuesday May 04, 2021 - 15:28:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dardaaran Iyo Digniin Ku Socota Gabdhaheena Qaaliga Ah

    halis badan yihiin (Between14-30). Waxaad ku dhexjirtaa gabdho nuuckastaba isugu jiri kara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

halis badan yihiin (Between14-30). Waxaad ku dhexjirtaa gabdho nuuckastaba isugu jiri kara



Walaasheey malaha waxaan tahay gabar da’yar, qurxoon. Waxaad tahay gabar ku jirta dumar waqtiga eey ugu halis badan yihiin (Between14-30). Waxaad ku dhexjirtaa gabdho nuuckastaba isugu jiri kara. Waxaan rabaa marka in aan qof walaal kuu ahaa ee kaa weeynaa booskiisa kuu galo, kulana dardaarmo, waliba si daacad (honest) iyo waliba qayaxnaan (openness) ah.

1-Ogoow waxa lagaa wada sugayaahi waa in aad diintaada, sharaftaada, gabarnimadaada, dadnimadaada, mustaqbalkaada, iyo tan qoyskaadaba ilaaliso

2-Ogoow marka aadan guur u diyaar aheyn iyo in aad reer yeelato, jaceylka la jilaahi Ragu "Ula jeedooyin kale” ayey u jilaane. Sida: Isku baashaalid, iska Zineeysasho, meelo isku dhuuq-dhuuqid. Walaasheey qofka eey waxkasta uga wada qasaarayaan ogoow in eey adiga tahay.

3-Ogoow nin mustaqbal kaa raba jirkaada maba taabto, iska daa ZINO in uu ku weydiiyo’e, ama kuguba sameeyo’e, hadaanu dayuus aheyn’e. Dayuuskuna janno ma galo.

4-Ogoowna gabar qiimo badan iskadaa Zino’e, jirkeeda in nin Ajnabi ka ah in uu taabto marnaba ma ogolaato. Nin qiimo badanna gabar qiimo badan ayuu uun rabaa. Kan dumar ku dheelka ahna, wax uu bilaash ku helo, kuna cayaaro intii ugasuurtagasha’e ayuu har iyo habeen raadiyaa.

5-Ogoow nin mar jirkaada aad u fududeeysey ee aad u rakhiisisey, kaana Zineeystey aanu mustaqbal iyo reer toona kugu aamini doonin,-Ragu dumarka uun ayey arkaan oo iyagu Zaani isuma arkaan Psychology ahaan- Ileyn wuxuu isleeyahay sida aad uga Zineeysatey bal malee inta uga soo Zineeysatey, waa hadii markaa aadan gabar aheyne, hadii uu isaga xaaraan kugu bilaabeyna, wuxuuisleeyahay bal malee inta sidan fudud oo kale uga zineeysandoonta mustaqbalka soo socda, waloow isaguba uu waxkasta kula wadaagey, tahayna in uu sidaa isba isu arko, nasiibdarro! ma dhacdo taa. Hadii uu ku guursadana waa hubaal "Biyo-kama-dhibcaan” ah in aanu sharaf iyo qiimo kugu dareemi doonin, maxaa yeeley waxaan looga sheekeeneeynin qofka uu horeyba usoo arkey in aad tahay, Diin ahaan, Dadnimo ahaan, iyo Damiir ah.

6-Ogoow inta ugu badan ragga, iyo Ninkasta oo qiimo leh Ugubna ah ee raba in uu reer yeesho, wuxuu ku hamiyaa in xaaskiisa mustaqbalka ay noqoto, "Gabar!” dhowrsan oo isa soo ilaalisey, dhibkastaba ha usoo marto’e, hadii eey sidaa noqonweysana iyadoon guur xalaal ah oo la wada ogyahay aan soo marin, wuxuu gudaha qalbigiisa isaga arkayaa nin guurkii uu ka hallaabey, oo uu ka khasaarey.

Adigana gabaryahay qoyskii iyo noloshii farxada laheyd ee aad ku hamineeysey, ogoow halkaas ayey taallaaye.

7-Ogoow raga waxa eey baashaalka ugu soo dugaalaan/gambadaan/dhuuntaan waa Jaceyl jilid iyo xiriir’e. Raga qaarna waa Jilaayaal aad u xirfad sareeya "Professional Actors” oo beenta waxeey gaarsiiyaan, ilaa eey isu Ooysiiyaan si loo rumeeysto. Qaar lacag ayey isticmaalaan, qaar hadal iyo habhab badan, qaar kalana dumar kale ayey kuusoo isticmaalaan si laguu dabo, haagaanna lagaaga tuuro taasoo waligaa aad ka shalleeyso.

Waxkastaba ha isticmaalaane; maalinta gabar eey nin xaaraan ah dharka isaga dhigto, oo uu lugaheeda dhexfariisto, dantii laga lahaa waa laga gaarey. Hadii eey qaladkaa kusii socotana waxkastaa lagu sameeyaa, sida: In Uur xaaraan ah loo yeelo, Sawiro anshax-darro halis ah in laga qaado, Video-yo faaxisho ah laga duubo, iyadoo waxaa oo dhan loogu sameeynayo si sir ah oo eeysan fahmikarin, ama i aamin iyo wax la mid ahba ha lagu qanciyee, iyadoo looga faa’iideeysanayo aaminaad iyo xiriir jaceeyl been ah.

Kadibna marka la isku xumaado, ama lakala tago qofkasta sababta ha u ahaadee, waxaa lagu faafiyaa Aalada iInternet-yada si loo fadeexeeyo, Jiilalka mustaqbalka fogna eey u arkaan una daawadaan. Ogoow waa sharaftaadii, tii intii ku dhashey, iyo intii kula dhalatey, ama riximba kuu ah’e waxa sidaa aad u wada haligtey’e.

8-Qasaarada ugu weyn iyo qiimala’aanta ugu daran,ee gabarba ku dhaca waa marka nin aaney reerkeeda si sharaf leh inta ugu soo gogol fariistey, oo si sharaf leh loogu bixiyey, si sharaf lehna u aroosey maahane nin kale, ay si xaaraan ah, oo raqiis ah, is bahdilid ah, uu jirkeeda ugu raaxeeysto, oo uu uga caqli badiyo, sidaana aduun iyo aakhiraba eey uga shallaayso.

9-Waxaa hubaal ah in badanaa Dumarka da’da yara aaneey helin walaal si dhab ah ula taliya, isaga oo aan waxba ka xishoon, oo sidii laba wiil ama laba gabar oo saaxiibo caadi ah oo aan kala xishoon waxkasta si hufan oo qayaxan ugu sheega, maadaama uu rag isaga yahayna, sida raga u fikiraan uu kala taliya sirqaha ragu dumarka da’da yar u maleegaan.

maadaama dumarku inta badan sheekooyinka raga ku shukaansadaan iska aaminaan, iyadoo looga faa’ideysanayao, in iyagaba yihiin dad da’yar, cunaya oo cabaya, caafimaadqaba, dareen Jinsina laga yaabe in uu hayo, sidaana looga faa’ideeysto in lagu marsiiyo in eey is dhiibto, iyadoo la iloowsiinayo cawaaqib xumida iyo in iyada meeshaas ay ku khasaareeyso Aduun iyo Aakhiraba.

10-Ogoow in aad tahay walaasheen wanaageeda uu waxkasta inagala qiimo badan yahay





Walaashiin Ukhtie Phaizah


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...