Xisbiga WADDANI Oo Qaabilay Safiirka UK U Soo Magacowday Soomaaliya

0
Tuesday May 04, 2021 - 10:11:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Qaabilay Safiirka UK U Soo Magacowday Soomaaliya

    Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo qaabilay safiirka Ingriisku usoo magacabay Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo qaabilay safiirka Ingriisku usoo magacabay Soomaaliya

Hargeisa(HWN):-Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo kulan la qaatay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster, ayaa kala hadlay doorashooyinka Somaliland iyo xadhiga musharixiinta mucaaradka.



Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qoraal u soo dhigay bogiisa Facebook ku sheegay in ay safiirka Ingriiska kala hadleen Xadhiga musharixiinta mucaaradka iyo hanaanka qabashada doorashooyinka.

"Safiirka waxanu si ban-yaalnimo ah uga wada hadalnay, hanaanka qabashada doorashooyinka iyo xadhiga joogtada ah ee uu taliyaha boolisku ku hayo musharixiinta mucaaradka” ayuu yidhi Cirro.

"Xadhiga qayral dastuuriga ah, ee lagu hayo Murashaxiin ay koomishanka doorashoyinka qaranku Ansixiyeen, isla markaana haysta xasaanada xeer lr 91/2020” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xisbiga WADDANI ayaa marar kala duwan ka hadlay Xadhiga Murashax Qaasim Aadan Saleebaan oo Xabsiga ku jira, dowlada ayaa dhinaceeda sheegtay in ay u hayso danbiyo oo ay maxkamad la tiigsanayso.

Loading...
Loading...