"Warbaahinta wey u madax-bannaan tahay sheegista wixii qaladaad ah ee dowladddu gasho" Farmaajo

0
Tuesday May 04, 2021 - 09:55:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Warbaahinta wey u madax-bannaan tahay sheegista wixii qaladaad ah ee dowladddu gasho" Farmaajo

    ''Warbaahinta wey u madax-bannaan tahay sheegista wixii qaladaad ah ee dowladddu gasho" Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Warbaahinta wey u madax-bannaan tahay sheegista wixii qaladaad ah ee dowladddu gasho" Farmaajo

MUQDISHO(HWN):-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wakiillo ka kala socday warbaahinta Soomaaliyeed.

Madaxwynaha ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda. oo ku beegneyd maalintii shalay.



Wuxuu sheegay in mar walba dowladdu ka go'an tahay sida uu hadalka dhiggay ilaalinta xuquuqda hadalka ama ssaxaafadda, isaga oo qiray in ay jiraan qaladaad marar kala duwan dowladdiisu ka gashay warbaahinta.

''Mar walba qalad wuu imaanayaan, laakiin waxaa wanaagsan in qaladkaasi cashar laga barto, warbaahintu wey u madax-bannaan tahay in ay sheegto wixii qaladaad ah ee dowladdu gasho adinka oo siinaya fursad ah sababta ay u qaladay in aad weydiisaan, ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda weerar ku qaadeen xarun Idaacadeed iyaga oo lagu eedeeyay in ay qateen qalabkii Idaacada jir dilna u geysteen qaar ka mid ah shaqaalihii xiligaa sugnaa xarunta.
Loading...
Loading...