Lammaanaha Bill iyo Melinda Gates oo soo afjaray guurkooda

0
Tuesday May 04, 2021 - 09:39:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lammaanaha Bill iyo Melinda Gates oo soo afjaray guurkooda

    Lammaanaha Bill iyo Melinda Gates oo soo afjaray guurkooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lammaanaha Bill iyo Melinda Gates oo soo afjaray guurkooda

Hargeisa(HWN):-Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda ayaa shaaciyay in ay soo afjarayaan guurkooda, kadib markii ay wada joogeen muddo 27 sano ah. Waxa ay sheegeen in "aanay u muuqan inay ka lammaane ahaan horumarkooda ka shaqeyn karaan".


"Kadib dedaal dheer oo ku aaddan xiriirkeena, waxaan go'aansanay in aan kala tagno," ayay ku shaaciyeen baraha ay ku leeyihiin Twitter.

Lammaanaha ayaa isbartay 1980-meeyadii xilligaas oo ay Melinda ku biirtay shirkadda Microsoft ee uu leeyahay Bill.
Bill iyo Melinda Gates

Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay'adda samafalka ee Bill & Melinda Gates oo ah tan ugu weyn caalamka.
Hay'adda ayaa balaayiin doollar ku bixisay la dagaallanka cudurrada iyo dhiiragelinta tallaalka carruurta.

Lammaanaha oo kaashanaya maalqabeenka kale ee Warren Buffett ayaa billaabay ololaha Giving Pledge, oo ugu baaqa dadka dhaqaalaha haysta inay maalkooda ku bixiyaan samafalka.

Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo dollar, sida ay shaacisay majalladda Forbes.

Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuuraatka caalamka oo dhan.

"27-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan korinay saddex canug oo aad u wanaagsan, waxaana samaynay hay'ad ka hawlgasha guud ahaan caalamka, dadkana u sahasha inay helaan noolal caafimaad iyo wax soo saar leh," ayay ku sheegeen war qoraal ah oo ay wadajir u soo saareen.

"Waxaan ka sii wada shaqeyn doonnaa hay'adda, balse nooma muuqata in aan lamaane ahaan horumarkeena ka sii shaqeyn karno wejiga xiga ee noolasheena", ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidee ayay isku barteen?

Melinda ayaa sanadkii 1987 ku biirtay shirkadda Microsoft, waxaana ay isla sanadkaas Bill ku kulmeen xaflad casho oo ka dhacday New York.

Sidaa ayay ku billaabeen haasawahooda, sida uu Bill Gates u sheegay barnaamij ay ka diyaarisay shirkadda Netflix.

Melinda ayaa sheegtay in Bill uu inta ay wada socdeen u soo bandhigay "faa'iidada iyo dhibaatooyinka uu leeyahay guurka".

Waxa ay sanadkii 1994 ku aqal-galeen jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo sida la sheegay kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda.

Maxay tahay hay'adda Gates Foundation?

Lammaanaha ayaa hay'adda Bill & Melinda Gates Foundation sanadkii 2000 ku asaasay magaalada Seattle. Waxa ay xoogga saartaa caafimaadka dadweynaha, waxbarashada iyo isbedalka cimilada

Dhaqaalaha ay bixiso waxaa kamid ah 1.75 bilyan oo dollar oo ay ugu deeqday tallaalka iyo cilmi-baarista xilligan uu jiro Covid-19

Hantida hay'adda ayaa sanadkii 2019 lagu qiyaasay 43 bilyan oo dollar

Muddo sanado ah, Bill iyo Melinda ayaa ku bixiyay hay'adda lacag ka badan 36 bilyan oo dollar

Bill Gates ayaa sanadkii hore iska casilay xilkii uu ka hayay Microsoft si uu xoogga u saaro hawlaha samafalka.
Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Reuters
Loading...
Loading...