Taliye Xijaar oo Faray ciidanka in ay sugaan amniga muwaadiniinta iyo Hantidooda

0
Tuesday May 04, 2021 - 08:31:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Xijaar oo Faray ciidanka in ay sugaan amniga muwaadiniinta iyo Hantidooda

    Taliyaha ayaa Ku boorriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si fiicanna ay ula dhaqmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ayaa Ku boorriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si fiicanna ay ula dhaqmaan



Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo saaray amar ku socda ciidamada Booliska.

 

Amarkan ayaa ciidamada Booliska lagu faray dhammaantood inay ku ekaadaan shaqadooda oo ah amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicana ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Arrintan ayaa soo baxday, iyadoo weli uu mugdi ka jiro cidda ay hoos tagaan hoggaannada ciidamada, kadib markii Ra’isal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta lagu wareejiyey maamulka doorashada iyo Amniga.

 

Ciidamada Booliska ee sida gaarka u tababarran loona yaqaan (Haramcad) ayaa soo hoos gelaya amarlan, iyadoo ciidamadaasi ay toos uga amar qaataan Villa Somalia.



 



Loading...
Loading...