Midawga Afrika Oo Ka Hadlay Xaalada Cusub Ee Somaliya Gashay

0
Tuesday May 04, 2021 - 08:20:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Afrika Oo Ka Hadlay Xaalada Cusub Ee Somaliya Gashay

    "Moussa Faki ayaa markale ku celiyey baaqiisa ah in si deg deg ah loogu laabto wada hadalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Moussa Faki ayaa markale ku celiyey baaqiisa ah in si deg deg ah loogu laabto wada hadalka" Muqdisho-Guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa bogaadiyay go’aankii dhowaan uu soo saaray baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17 September 2020.


Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee dib loogu soo celiyey Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 oo saldhig u ahaa doorashooyinka soo socda, kadib codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo.



Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo inuu horumariyey danaha dadka Soomaaliya.


Gudoomiyaha wuxuu kaloo soo dhaweeyay doorka hogaamineed ee loo igmaday Raysal Wasaaraha si loogu diyaar garoobo doorashooyin nabdoon, lagu kalsoonaan karo oo hufan laguna xaqiijiyo amnigooda.


Moussa Faki ayaa markale ku celiyey baaqiisa ah in si deg deg ah loogu laabto wada hadalka iyo gorgortanka. Wuxuuna sheegay midowga Afrika in ay ka go’an tahay taageerada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee geeddi-socodkan.


Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa 20- ka bishaan Muqdisho dhigay gogol ay ku wada hadlayaan dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, si looga dooddo dhammeystirka heshiiska doorashada.
Loading...
Loading...