Hillary Clinton oo ka digtay "cawaaqibka Ka dhalan kara" ka bixidda Afghanistan

0
Tuesday May 04, 2021 - 07:04:30 in News by A. Asbaro
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hillary Clinton oo ka digtay "cawaaqibka Ka dhalan kara" ka bixidda Afghanistan

    Hillary Clinton oo ka digtay "cawaaqibka Ka dhalan kara" ka bixidda Afghanistan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hillary Clinton oo ka digtay "cawaaqibka Ka dhalan kara" ka bixidda Afghanistan



Hargeisa(HWN):-Wasiirkii hore ee arimaha dibada Maraykanka, Hillary Clinton, ayaa ka digtay "cawaaqib ballaadhan" oo ka dhalan doona go'aanka Madaxweyne Joe Biden ee soo saaridda ciidamada Maraykanka ee Afghanistan.


Clinton ayaa telefishanka CNN u sheegtay in ay jirto khatar ah in ay Taliban markale xukunka dalkaa qabsan karto. Maraykanka ayaa doonaya inuu dhamaystiro ka bixitaanka ciidamadiisa 11 Sebtember. Hase yeeshee Taliban ka ayaa weeraro ka fuliya dalkaas.

"Arintani waa waxa aan ku sheegayno dhibaato xun" ayay tidhi Clinton oo CNN la hadlaysay "waxa jira cawaaqib la saadaalin karo iyo kuwo aan muuqan oo ka dhalanaya ka bixitaanka" ayay intaa ku dartay.

Hilary Clinton, sida Biden oo isna ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayay aad u taageersanayd duulaankii Maraykanku ku galay Afghanistan weerarradii 9/11 ee 2001 ka dib. Biden ayaa doonaya inuu dhamaystiro ka bixitaanka ciidamadaas marka ay buuxsanto 20 guurada weerarkaas sannadkan dabayaaqadiisa.
Hillary Clinton

Ugu yaraan 2500 oo askari oo Maraykan ah ayaa haatan jooga dalkaas oo qayb ka ah xoogagga NATO ee Afghanistan jooga. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ka bixitaanka Maraykanku yahay mid haboon maadaama oo ciidamada Maraykanku ay xaqiijiyeen in dalkaasi aanu haatan saldhig u ahayn jihaadiyiinta shisheeye oo aanay weerarro reer Galbeedka lagu qaado ka soo maleegi karin.

Mar la weydiiyey go'aanka madaxweynaha, ayaa iyada oo lagu waraysanayo barnaamij ka baxa CNN waxay Clinton ku jawaabtay "xukuumadeenu waa in ay ka fikirtaa cawaaqibka ballaadhan ee arintaa ka dhalanaya" ee ay ugu mudan tahay in ay soo noqdaan dhaqdhaqaaqyadii kooxaha xag jirka ahi taasnina keento in qaxooti badani ka soo dareeraan Afghanistan.

Waxa kale oo ay sheegtay in ay suurto gal tahay in dawladda Afghanistan dunto maadaama oo ay dhici karto in Taliban xukunka qabsadaan oo dagaal sokeeye oo cusubi bilaabmo.

Clinton waxay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo "kumanaanka qof ee Afghanistan-yiinta ah" ee u shaqaynayey Maraykanka iyo NATO intii colaaddaasi socotay, waxaanay tidhi waa in qorshe fiiseyaal badan loogu soo saarayo la diyaariyaa si loo siiyo qof kasta oo soo qaxa.

Askarta ugu dambaysa ee Maraykanku waxa si rasmi ah bixitaankoodu u bilaabmay 1May, iyada oo uu jiro qalalaase isa soo tarayaa. Ciiddammada nabadgelyada Afghanistan ayaa heegan la geliyey si ay uga falceliyaan wixii weerarro ah ee la soo qaado.

Isniintii ayaa saraakiil Afghanistaniyiin ahi sheegeen in ugu yaraan todoba askari lagu dilay weerar ay Taliban ku qaadeen rug milatari oo ku taal koonfur galbeed ee gobolka Farah.

Waxay sheegeen in dad miidaame ahi isku qarxiyeen rugtaas oo ay ka soo galeen god dhulka hoostiisa mara oo ilaa 400 mitir ah oo laga soo qoday guri u dhaw rugtaas. Askarta midkooda ayaa ay dableyadaasi qabteen sida ay sheegteen. Hase yeeshee warar kale oo soo baxayaa waxay tirada khsaaraha ciidamada Afghanistan gaadhay ka dhigayaan tiro intaa ka badan.

Isaga oo shir jaraa'id ku qabtay London Isniintii, ayaa wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Antony Blinken, sheegay in maamulka Biden "uu aad ugu miigan yahay in si haboon, nabad ah oo nidaamsan" ay uga baxaan ciidamadoodu dalkaas, laakiin Maraykanku uu sii wadi doono inuu taakuleeyo xukuumadda Afghanistan.

"Xataa iyada oo ay ciidamadayadu ka baxayaan Afghanistan, ayaanaan joojinayn xidhiidhka aanu la leenahay oo aanaan gacanta ka laabanayn" ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in hadii ciidamada Maraykanka weerarro lagu qaado inta aanay dalkaa ka bixin "tallaabo culus" ay qaadi doonaan.
Markii uu madaxweyne ku xigeenka u ahaa Barack Obama, Biden wuxuu aad uga soo horjeeday ciidamada badan ee Afghanistan ka jooga.

Wuxu sheegay in Maraykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada dawladda Afghnistan oo uu ku dhiiri gelinayo wadahadallo nabadeedoo lala yeesho hogaamiyeyaasha fallaagada Taliban. Hase ahaatee warfidiyeenku waxay sheegayaan in aanay intaasi noqon kari doonin wax xaqiijiya xasiloonida gobolka.

Sannadkii hore ayaa madaxweynihii markaa xilka hayey, Donald Trump, oo horseed ka ahaa in ciidamada Maraykanku ku soo noqdaan dalku dhaliilay farogelinta Maraykanka ee dalalka dibadda waxaanu sheegay in kharash badani kaga baxo oo aanay waxtarna lahayn. Waxaanay arintaasi keentay in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Afghanistan dardar ay ku bilaabanto 1 May ee sannadkan.

Maraykanku waxuu bilaabay ka bixitaanka ciidamadiisa ka dib markii ay Taliban ballan qaaday in ay joojinayso weerarrada ay ku qaadaan ciidamada caalamiga ah iyo "goobaha nugul" waxaanay sheegtay in aanay u ogolaan doonin Al-Qaacida iyo ururada kale ee mitidiinta ah in ay ka hawl galaan dhulka ay xukunto.
Loading...
Loading...