Madaxweyne Biden Oo Dabciyay Xadiddaada Tiradda Qaxoontiga Uu Trump Horay U Soo Rogay

0
Tuesday May 04, 2021 - 06:55:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biden Oo Dabciyay Xadiddaada Tiradda Qaxoontiga Uu Trump Horay U Soo Rogay

    Madaxweyne Biden Oo Dabciyay Xadiddaada Tiradda Qaxoontiga Uu Trump Horay U Soo Rogay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biden Oo Dabciyay Xadiddaada Tiradda Qaxoontiga Uu Trump Horay U Soo Rogay

Hargeisa(HWN):-Madaxweyne Joe Biden ayaa qaaday xaddiidaadda tirada qoxootiga uu sanadki dalkiisa qaabilayo uu horay u soo rogay Maamulkii Trump kaddib marki xisbigiisa uu ka dalbaday inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa.


Madaxweynaha Xisbiga Jamhuuriga tirada la oggol yahay wuxuu ka dhigayaa 15,000-62,500, iyada oo ay weliba dhaliilayaan dadka iyo hay'adaha u doodo xuquuqda qaxootiga.

Mr Biden wuxuu sheegay tiradaasi yar "iney ka tarjumeyn qiyamka Mareykanka". Warbixinno bishii hore la soo saaray waxaa lagu sheegay iney walaac ka qabaan in dad badan oo qaxooti ah dalka lagu soo fasaxo iyada oo ay jirto tira aad u sii kordheyso oo dadka soo galootiga ah ay ku sugan yihiin xadka ay wadaagaan Mareykanka iyo Mexico.
Qoys reer Hunduraas oo soo tallaabaya xadka Mareykanka uu la leeyahay Mexico

Biden muxuu yidhi?

Tirada cusub ee ah 62,500 "waxay meesha ka saareysaa tirada aadka u hooseysay" uu horay u dajiyey madaxweynihi hore ee Donald Trump, ayuu yiri Mr Biden.

Wuxuu sida oo kale sheegay inuu maamulkiisa uu damacsan yahay inuu tirada qaxootiga sanadka soo socda la aqbalayo uu ka dhigo 125,000.

Balse wuxuu qiray Mareykanka uu dhab ahaan uu sanadkan ku guuleysn doonin inuu aqbalo 62,500 oo qoxooti ah, isaga oo ku doodaya in maamulkiisa ay ahayd inuu 'saameynta' maamulki isaga ka horreeyey uu ka jaro.

Maamulka Trump ayaa siyaabo kala duwan u wajahay dhibaatooyinka xuduudaha ee maamulka trump, iyada oo xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ay ku tilmaamtay nidaamka socdaalka uu ka tagay maamulka Trump uu yahay "Mid la baab'iyey" oo aan "Shaqeyn".

Mr Trump ayaa tirada dadka qaxootiga uu dalkiisu qaabilayey aad u yareeyey isaga oo tiradi uu Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Barack Obama uu dajiyey ee ahaa 110,000 uu ka dhigay 15,000 oo keli ah.

Arrimahaasi "Kama tarjumayaan qiyamka Mareykanka dal ahaan oo ah inuu soo dhaweeyo isla-markaana uu caawiyo qaxootiga", ayuu Madaxweyne Biden uu ku yiri bayaanka uu Isniinti soo saaray.

Tirada muxuu ugu laabtay?

Mr Biden ayaa ku sheegay bayaan degdeg ah uu bishii April soo saaray, qaabilaadda qaxooti gaaraya ilaa iyo 15,000 "waxay xal u noqotay tabashooyinki baniaadaminmo ee taagnaa balse ma ahayn mid rabitaanka qaranka ka tarjumeysay".

Madaxweyne Biden wuxuu sida oo kale uu qaaday xayiraaddii dib u dajinta ee saarneed qaxootiga ka soo jeeda waddamada Somaaliya, Suuriya iyo Yemen iyaga oo fursadaha ugu badan siiyey Afrika, Bariga Dhexe iyo Bartmaha Mareykanka.

Balse Mr Baiden oo cadaadis xooggan kala kulmayey kooxaha xuquuqda qaxootiga u dooda iyo xubno ka tirsan xisbigiisa, ayuu Aqalka Cad uu shaaca ka qaadday inuu madaxweynaha uu tirada qaxootiga uu dalka Mareykanka qaabilayey uu dib ugu noqonayo.

Go'aanka Biden uu ku kordhiyey tirada qaxootiga uu dalkiisu qaabilayo waxaa si weyn ugu riyaaqay hay'adaha arrimaha qaxootiga oo uu ka mid yahay Guddiga badbaadada caalamiga ah ee IRC.

"Go'aanka madaxweyne Biden wuu wanaagsan yahay wuxuuna u wanaagsan yahay Mareykanka iyo qaxootiga," ayuu yiri madaxa hay'addaasi David Miliband, oo horay xisbiga Labour ku matalayey barlamaanka Britain.

"Waxaan soo dhaweyneynaa tallaabbadan aadka u qiimaha badan oo qaxootiga samatabixinaya afar sano kaddib oo si weyn wax uga baddaleyso siyaasadda dalka ee soo jirtay".
Loading...
Loading...