Sheyga uu qof walba u baahan yahay ee sii dhimanaya

0
Tuesday May 04, 2021 - 06:45:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheyga uu qof walba u baahan yahay ee sii dhimanaya

    Hargeisa(HWN):-Cinjirka oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan dunida, lagana sameeyo inta badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Cinjirka oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan dunida, lagana sameeyo inta badan


Hargeisa(HWN):-Cinjirka oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan dunida, lagana sameeyo inta badan qalabka uu bani'aadanka sida joogtada ah u isticmaalo ayaa gabaabsi ah, seynisyahannada ayaana raadinaya xal.


Dabiici ahaan, cinjirku wuxuu leeyahay awood, dhinac walba ayuu u jiitami karaa, biyahanada waxya uma dhimaan. Waxyaabaha ugu caansan ee laga sameeyo waxaa ka mid ah lugaha gawaarida, gabaha iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Cinjirka oo afka qalaad lagu dhoho "rubber" waxaa loo adeegsadaa in lagu duubo fiilooyinka korontada, daboolka matoorrada iyo tallaagadaha qabowga dhaliya. Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa sameynta laastiigga, dharka, kubadda lagu ciyaaro iyo kuwo kale.
.

Baahida loo qabo waxay sii korortay sanadkii la soo dhaafay markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee corona maadaama loo adeegsanayay in laga sameeyo dharka la isaga difaaco cudurka ee ay xirtaan dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha.

Cinjirku dhab ahaantii hadda waxay muhiimaddiisu noqotay mid caalami ah, ilaa heer Midowga Yurub uu ku daray liiska qalabka ugu muhiimsan nolosha.

Hase yeeshee, nasiib darro waxaa soo baxay astaamo muujinaya in uu kasii dhammaan rabo dunida. Cudurrada, isbaddalka cimilada iyo qiimaha oo aad hoos ugu dhacay ayaa sabab u ah in uu halis galo wax soo saarkii cinjirka.

Seynisyahannada caalamka ayaa hadda isku dayaya in ay xal helaan ka hor inta aan mar qura dunida laga waayin cinjirka ah oo ah shey uu qof walba u baahan yahay.

Muxuu halis ugu jiraa inuu ka dhammaado dunida?

Su'aasha isweydiinta mudan waa sababta keentay in cinjirka dabiiciga ah uu gabaabsi noqdo.

Ilaa 20 milyan oo tan oo cinjirka dabiiciga ah ayaa sanad walba lasoo saaraa hadda. Waxaa laga dhaliyaa geedaha xanjada dhacaan ahaanta u bixiya kaddibna waa lasii farsameeyaa marka kiimikooyin lagu daro. Wax soo saarkan oo dad beeraley ah ay sameeyaan ayaa aad u yar marka loo eego baahida loo qabo.

Malaayiin qof oo u kala dhashay waddamada Thailand, Indonesia, Shiinaha iyo Galbeedka Afrika ayaa ku howlan wax soo saarka cinjirka. Geedaha xanjada dhaliya ayay ku abuuraan dhul beereedyo kooban oo aan wax badan ku filneyn.

Marka geedka uu weynaado ayaa laga miiraa dhacaanka sida caanaha u eg ee dareeraha ah, kaddibna waxaa lagu qallajiyaa qorraxda.
Beeraleydan ayaa soo saara 85% ka mid ah cinjirka laga isticmaalo caalamka, laakiin hadda caqabado aad u bahan oo soo food saaray awgood waxaa hoos u dhacday dhaqadoodii.

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee khatarta galiyay wax soo saarka waa in hadda aan la beerin geedkii asal ahaan laga ogaaday cinjirka oo ka bixi jiray keymaha dalka Brazil, kaasoo lagu magacaabo Hevia Brazilianensis ama ParĂ¡ rubber. Meelaha a baxsan Brazil, geedaha cinjirka laga dhaliyo waxaa ku dhaca cudurro xididka ka dhaawaca oo kaddibna dila.

Taas waxaa sii dheer in dhinaca waddanka Thailand ay beeraha cinjirka aad u saameysay dhibaatada isbaddalka cimilada. Geedahaas ayaa u baahan roob joogto ah, haddii ay waayaanna ma dhaliyaan dhacaanka cinjirka loo baddalo.

Qodob kale oo wax soo saarka halis galinaya waa in dadka ku howlan aysan faa'iido weyn helin inkastoo wax soo saarkooda uu yahay mid baahidiisu ay aad u badan tahay.

Loading...
Loading...