Habarjeclo Tallo Xumida Muuse Biixi Way La Gudhinaysaa Sadex Cisho Haddii Lagu Sii Deyn Waayo Doolaal Waxaanu...Boqor Buurmadow

0
Monday May 03, 2021 - 19:28:02 in News by
  • Visits: 5483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habarjeclo Tallo Xumida Muuse Biixi Way La Gudhinaysaa Sadex Cisho Haddii Lagu Sii Deyn Waayo Doolaal Waxaanu...Boqor Buurmadow

    Habarjeclo Tallo Xumida Muuse Biixi Way La Gudhinaysaa Sadex Cisho Haddii Lagu Sii Deyn Waayo Doolaal Waxaanu...Boqor Buurmadow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habarjeclo Tallo Xumida Muuse Biixi Way La Gudhinaysaa Sadex Cisho Haddii Lagu Sii Deyn Waayo Doolaal Waxaanu...Boqor Buurmadow


Hargeysa(HWN):-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa hanjabaadii ugu cuslayd u diray Muuse Biixi.

Boqor Buurmadow Oo Xabsiga Laga Sii Daayay – Goobjoog News


Boqor Buurmadow ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hadlay xadhiga gaashaanle sare Jaamac Maxamuud Doolaal, isaga oo sheegay in hadii mudo sadex cisho ah lagu sii deyn waayoay qaadanayaan go’aan halis ku ah somaliland iyo xukuumada Muuse Biixi.


Warka uu soo saaray Boqor Buurmadow ayaa u dhignaa sidan:-


Sheeko xariir soomaaliyeed baa waxay tidhaahdaa

Nin baa lagu yidhi waxa kucuni doonta abeeso iyada ayaad udhiman doontaa ninkuu wuxuu go aansaday inaanu dhulka usoo degin si uu uga badbaado abeesada faras layidhaahdo Xamar ayuu fuulay way isladaaleen isagii Iyo faraskii abeesadiina waxay ku sugtay Faraska hoostiisa si ay u cunto kolkuu kadego.


Kolkuu kudaalay faraska dushiisa uuna xaqiiqsaday abeesadu inaanay tegayn ilaa ay cunto wuxu go aansaday inuu seeftiisa ladego Oo abeesada laba ukala jaro oo aanay kadanbayn ay marwada dhintaan.


Wuxu ku maahmaahay abeeso samirka dhamaa xamarna sidisi ka dhamaatay aniga sarajoog iga dhamaakolkuu intaas yidhi buu faraskii ka degay abeesadii oo diyaarsana way qaniintay isagoo dhaawac ahina abeesadii Seeftiisii buu laba ugu kala jaray doc walba Lagu dhimay arinka taliye doolaal samirkii wuu ka dhamaaday sadex casho gudahood hadii aan lagu sii dayn aniga oo ku hadlaya afka madax dhaqameedka beelaha habarjeclo Waxaan ku dhawaaqi doonaa arin aanay soomaaliland mahadin oo horseedi doona geerida midnimadii beelaha soomaliland Waan arkaayey gudida habarjeclo oo shirwayne ku baaqaysahabarjeclo mashiri doonto Waxay u baahan tahay talo xumada muuse biixi In lala gudhiyo muuse biixi dalka talo colaadeed buu kuwaday mudadii uu xilkahayey Waxaa loobaahanyahay inlala qaato marhadii.


Aan la helayn cid qabata iyo cid looga ergoodo Beelaha habarjeclo gudo iyo debed sadex casho hayga war sugeen sadexdaa cisho Muuse ama waynu ka war sugi doonaa colaad Iyo nabad kuu kaga taliyo arinta doolaal Haduu sii daayo waa nabad haduu diido Dhawaaqayga suga iyo go aanka salaadiinta Iyo dhaqanka oo aan ku dhawaaqi doono hadii alle idmohabarjeclo haw diyaar garawdo fulinta goaanka


Loading...
Loading...