Musharixiin U Tartamaya Xisbiga Kulmiye Oo La Dacwaynayo Iyo Dembiyada Loo Haysto

0
Monday May 03, 2021 - 19:05:42 in News by
  • Visits: 1582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharixiin U Tartamaya Xisbiga Kulmiye Oo La Dacwaynayo Iyo Dembiyada Loo Haysto

    Musharixiin U Tartamaya Xisbiga Kulmiye Oo La Dacwaynayo Iyo Dembiyada Loo Haysto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharixiin U Tartamaya Xisbiga Kulmiye Oo La Dacwaynayo Iyo Dembiyada Loo Haysto

Hargeysa(HWN):-Xisbiga WADDANI oo dacwad ka gudbinaya musharraxiin ka sharraxan Xisbiga KULMIYE oo Somaliya xilal ka soo qabtay iyo kuwo aan buuxin shuruudaha musharraxnimada.


Xisbiga Kulmiye Oo Xukuumada Ka Difaacay Dhaliilihii Dr. Gaboose – Sagal News


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Mudane Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI dacwad ka gudbin doono musharraxiin ka sharraxan Xisbiga Kulmiye oo Somalia xilal ka soo qabtay iyo kuwo aan buuxin shuruudaha musharraxnimada.


"Haddii Musharrax Qaasim Saleebaan lagu eedaynayo Xamar buu tagay, waxa Xisbiga Kulmiye ka sharraxan nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil, ninkaasi wuxuu xubin ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya muddo ka badan 8 sannadood, maxaa Qaasim Saleebaan oo lagu eedaynayo Xamar buu tagay u xidhan yahay ninkaasina u wataa ololihiisa?

Xisbiga WADDANI ugu yaraan dhawr iyo toban kiis oo ka dhan ah musharraxiinta Xisbiga Kulmiye ayuu u gudbinaya garsoorka kuwaas oo qaarkood Soomaaliya xilal ka soo qabteen, qaar aanay shahaado haysan qaarna aanay shuruudaha buuxin. Waxa aanu rajaynayna in garsoorku arrintaas aqbalaan oo caddaaladda qaadan,”

Loading...
Loading...