Ujeedada Amar La Duldhigay Mulkiilayaasha Huteelada Laascaanood

0
Monday May 03, 2021 - 17:07:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Amar La Duldhigay Mulkiilayaasha Huteelada Laascaanood

    Waxaa hore looga mamnuucay miisiga magaalada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa hore looga mamnuucay miisiga magaalada Burco
Hargaysa (HWN)-Maayarka Magaaladda Laascaanood cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa sheegay in huteelad ku yaala magaalada aan laga ogalayn in laga tumo muusig.


Duq Taarwale ayaa sheegay in cidda shida muusig ay ciidanka ammaanku ku amran yihiin in ay gacanta kusoo dhigaan."Waxa aan idiin sheegaya in ay mabnuuc tahay in huteellada habeenkii muusig lagu tumo, waana xaraan qofkii lagu qabto cidaanku gacanta ayuu ku soo dhigaaya. mulkiilayaasha huteelada waxaan ku wargelinayaa in ay sidaasi ula socdaan amarkaa aanu soo saarnay”



Maayirku waxa uu sheegay in raxmaadkii gu’gu ay si fiican uga curteen magaaladda Laascaanood iyo deegaanada ku hareeraysan waxanu bulshada u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan xilli roobaadkan aynu galnay kana guuraan goobaha biyo mareenka ah


Waxaa hore looga mamnuucay miisiga magaalada madaxda Gobolka Togdheer ee Burco
Loading...
Loading...