Muxuu Daaran Yahan Safarka Waftiga Sare Ee Qatar Ku Marayo Somaliland Iyo Somaliya
W/Q: Mohamed Abdi Jama
QATAR WAA DALKEE ?
Qatar waa wadan dhaca Galbeedka Asia gaar ahaan khaleejka carabta ,
waa dalka ugu yar dalalka carbeed waxaana uu badkiisu yahay 12,000km
square , dadkiisa dhaladka ah waxa lagu qiyaasaa rubuc malyuun isku
tafiir iyo caqiido kaliya haysta , waxaa ay haysteen dariiqada
wahaabiyada walow ay wadamada ay jaarka la yihiin ka fur--furnaayeen
xaga xuquuqaha dumarka iyo nolosha kale ee bulshadu ku wada nooshahay oo
aanay aad nidaamkaasi xagjir ugu ahayn.
Qatar waa wadanka ugu qanisan aduunka marka loo eego dhaqaalaha iyo
qofkii iwaxa soo galla ( Per capita income ) , waxa ay caan ku tahay oo
aduunka ka iibisaa gaasta dabiiciga ah ee loo yaqaano Liquefied Natural
gas (LNG).
Qatar waa dal aduunka Asia iyo Khaleejka carabtaba caan kaga noqday
siyaasad dhex-dhexasdnimo ah oo ay ku kasbadeen indhaha iyo taageerada
xidhiidhka aduunka oo dhan intii ka horeysay waxii loo yaqaanay guga
Carabta iyo kacdoonadii dawladaha carbeed ka bilaabmay ee lagu riday
madaxweyneyaal iyo boqoro badan.
Khilaafkii ugu horeeyey ee dawladaha carabta iyo Qatar waxa uu
bilaabmay sanadkii 2011kii markii xilka laga Tuurey madaxweynihii Masar
ee Xusni Mubarak kaasi oo in badan soo socday waxaana uu gaadhay
xaaladii ugu adkayd sanadkii 2017 badhtankiisii oo wadanka Qatar ay
xayiraad iyo in xidhiidhka loo jaro ku soo rogeen dawladaha Saudi Arabia
, UAE, Bahrain, Egypt, Jordan , Xukumadii Libya , Jamhuuriyada
Islamiga ah ee Mauratania iyo jasiiradaha Maldives oo dhamaantood u
jaray xidhiidhkii ay la lahaayeen.
Laba sababood baa ugu waaweynaa waxyaabaha xidhiidhka loogu jaray Qatar;
1- Qatar waxa ay si isku mid ah heshiis ula wada ahayd dawladaha
colaadaha waaweyni ka dhexeeyaan Gobolkaasi Galbeedka Asia gaar ahaan
labada quwadood ee Suniga iyo Shiicada kala hogaamiya ama labada
dawladood ee Saudi Arabia iyo IRan , waxaana lagu qasbayey in ay
xulafada Sunniga raacdo.
2- Qatar waxa lagu tuhmay in ay dalwalba ka dhex wado farogalin
siyaasi ah taasi oo lagaga cabanayey ilaa sanadkii 2011 oo ay si toos ah
u taageertay Ururka Ikhwaanul Muslimiin ( Muslim brotherhood ) oo
aragti islamiya iyo xoog wadamo badan oo carbeed iyo islaamkaba ka soo
dhex foodhacay ah , walow wadamada qaar ay ku eedeeyeen aragagixiso
hubeysan.
Waxaa jirtay in lagu eedeeyey in Amiirka Qatar uu taageero siiyo
dawladaha Israel iyo Iran oo ay sucuudiga is hayaan laakiin dalka Qatar
waxa ay xiliyadaasi isaga difaaceen in warkaasi yahay been abuur iyo wax
la soo dhoob-dhoobay .
Cunaqabateyntan lagu soo rogay Qatar waxa aan ka qayb galin dawladaha
wadamada iskaashiga khaleejka ee ( GCC ) labada wadan ee Oman iyo
Kuwait oo iyagu Qatar dhinaca saarey dooneyna in xaaladaha xal loo helo
oo wanaag lagu dhameeyo.
SAAMEYNTA QATAR EE SIYAASADA DUNIDA
Qatar sida aan soo sheegnay waa dal yar oo saameyn xoogan ku leh
siyaasada caalamka sumcad weyna kasbaday gaar ahaan waxii ka horeeyey
kacdoonadii guga carabta , waxa ay saameyn muuqata iyo mid dadbanba ku
leedahay siyaasada aduunka, siyaasada galbeedka Asia iyo ta Gobolka
Geeska Africa.
Qatar sidoo kale waxa ay ku taallaa meel muhiim u ah dawlado badan oo
aduunka ah ( Geostrategic position) waxaana ku yaalla saldhiga ugu weyn
ee dawlada maraykanku ku leedahay khaleejka Carabta kaasi oo muhiim ugu
ahaa dalkaasi dagaaladii Afghanistan iyo Ciraaq ee Maraykanka iyo
dagaalka argagixiso la dirirka ee aduunka ka socda.
Qatar marka laga yimaado khayraadka dabiiciga ah ee ay leedahay waxa
kale oo ay dhaqaale badan oo kale ku kasbatay goobta ay ku taallo iyo
fur-furnaanta siyaasadeed ee nooca diblomasiyadeed ee ay isticmaali
jirtay ( niche diplomacy ) oo u sahashay kasbashada dadyowga iyo
dawladaha aduunka ay ka heshay boqortooyada Dohha.
Markii uu dhacay iska hor imaadka dawladaha khaleejka carbeed iyo
xulafadooda iyo wadanka Qatar waxa soo baxday in ay kala durkeen dawlada
maraykanka oo uu Donald Trump bartiisa twitterka si toos ah ugu
weeraray Qatar ku sheegayna in ay tahay kaabaha iyo maalgaliyaha
argagixisada xili uu Israel iyo wadamo khaleejka ah marayey , wallow
xiligaasi ay kala hadleen xoghayihiisii arimaha dibada Rex Tillerson oo
isagu sheegay in xaalada la dejiyo xiisadana la qaboojiyo si
dhex-dhexaadnimo ku jirto.
GEESKA AFRICA IYO SAAMEYNTA SIYAASADEED EE QATAR IYO TURKEY.
Qatar waxa ay aad isugu dhow yihiin wadamada Turkey iyo Iran oo
labaduba siyaasadoodu aad u danaynayso Geeska Africa , gaar ahaan Turkey
oo kaalin mug leh oo muuqata kaga jira siyasada Gobolka Geeska Africa
isaga oo ka soo gallay kaalinta dawlad la'aanta Somalia oo uu Muqdisho
degay si ay isaga iyo Qatar uga dhisaan maamul ay danahooga ku qumistaan
.
Turkey siyaasadiisa iyo soo degitaanka Geeska Africa waxa uu saldhig
uga dhigey siyaasad gurmad islaanimo iyaga oo ka mideysan wadanka Qatar
in ay taageeraan nidaamka ikhwaanka oo si weyn uga jira Gobolka Geeska
Africa, haddana siyaasada Turkey waxa ka muuqata isaga hiigsi fog iyo
dano intan dhaafsan.
Qatar waa wadanka loo tirinayo in ay si dhab ah siyaasada Somalia
gacanta ugu hayaan sababtana waxa cadeyn u ah halka ay kala marayaan
xukuumada hadda Somalia ka talisa iyo waddanka UAE oo ay QATAR isku
yihiin lid , waxaana si toos ah isaga hor yimid xukuumada Madaxwayne
Farmaajo iyo UAE oo aad u kala xidhiidh furtey.
MUXUU DAARAN YAHAY SAFARKA MADAXDA UGU SAREYSA QATAR AY KU YIMAADEEN SOMALILAND ?
Qatar maadaama ay Somalia taageerto waxa ay siyaasiyan u kala
fogaadeen Jamhuuriyada Somaliland , taasi oo Somaliland u arkaysay
dawladaha Turkey iyo Qatar in aanay arimaha Jamhuuriyadii Somalia dhex
ka aheyn ee ay dhinac yihiin , maadaama ay Jamhuuriyadaasi kala noqotay
laba dal oo la kala yidhaahdo Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada
federalka Somalia.
Waxaa markii ugu horeysay wafti heersare ah dalka ku yimid madaxda
khusuusiga ah ee dalkaasi wallow aan warbixin waafi ah laga bixin
safarkaasi hadii aynu ku eegno indhaha diblomasiyadeed iyo kuwa
xidhiidhka caalamiga ah oo aynu ku salaynayno danaha siyaasiga ah iyo
xaaladaha Gobolka Geeska Africa ku sugan yahay xiligani waxa aynu soo
qaadan karnaa ;
1- In waddanka Qatar oo diblomasiyad ahaan mid xoogan ahaa uu
gobolkani kaga awood batay dalka UAE oo si mug leh inta badan saameyn
weyn ugu leh siyaasada dawladaha Gobolka Geeska Africa marka laga reebo
Djibouti.
2- In Xukuumadii kaliya ee loo tirinayey dalka Qatar oo ah
jamhuuriyada federalka Somalia uu xiligii ka dhamaaday aanay Qatar
dooneyso in ay u gasho kaambayn siyaasadeed maadaama ay tahay quwad
cududeeda siyaasadeed muujin karta oo horena looga arkey.
3- In Qatar ay aragtay ahmiyada Somaliland iyo kaalinteeda oo
ay rabto in ay xidhiidh la sameysato wanaagsan maadaama Jamhuuriyada
Somaliland tahay dalka ku yaalla bugcada ugu muhiimsan gobolkani (
Regions Geostrategic Position ) oo laga yaabo in ay cudud iyo cuudba
dul-dhigto qaranka jamhuuriyada Somaliland.
4- In wadanka Qatar isku xilqaamay in uu wax ka qabto oo uu
gurmad u noqdo jamhuuriyadii Somalia ee maanta kala ah Jamhuuriyada
Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia safarkooganina uu yahay
mid kalsooni ay kaga rabaan labada dhinac.
QATAR IYO JAMHUURIYADA SOMALILAND
Qatar iyo jamhuuriyada Somaliland waligeed xudhiidho siyaasadeed ma
dhex marin iyo qaar xidhiidhka caalami ah sida diblomasiyada , laakiin
hore waxa u jirey xidhiidhka binu-adenimada iyo arimaha gargaarka ah
kaasi oo aan waliba 99% toos isugu xidhnayn labada dal ee soo mari jirey
shaqsiyaad iyo kooxo culimo ah .
Dalka Qatar wallow ay ku nool yihiin dad Somaliland ka soo jeedaa
maadaama ay jamhuuriyada Somaliland ahayd , soomaalida ay is xigaan
juquraafi ahaan wadamada carabta waxa dalwalba oo carbeed asalkii ugu
horeeyey degay dad ka soo jeeda jamhuuriyada Somaliland oo laga helayaa
laakiin wax xidhiidh siyaasi ahi ma jirin aan aheyn kala fogaansho.
Waxa aad moodaa in wax weyn is badelayaan xili Jamhuuriyada
Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia ay kala maqnaashahoogu
gaadhay 30 sanadood oo la mid ah intii ay jamhuuriyadii Somalia dhisnayd
oo ahaa isaguna 30 sanadood , waxaana suuragal ah in laga garaabay
qadiyada ka dhaxeysa labadani gobol oo wadanka Qatar na uu siyaasadiisii
hore badelay.
Waxaana ay ugu dhow dahay in la gaadhay xili la garowsado in bal
xalka jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federalka Somalia lagu
dayo qaabkii hore ee aduunku wax u wadi jirey waji ka duwan , Qatar oo
khibrad u leh xaga hawlaha dhex-dhexaadinta aduunkana amaan weyn iyo
sumcad hore loogu hayey waxa ay noqon kartaa cida ku guuleysata in xal
loo hello qadiyada labadan dhinac dhex taalla soddonka sanadood hadii
kalsooni ay ka hesho iyo kasbadho Jamhuuriyada Somaliland iyo
jamhuuriyada federalka Somalia.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...