Yurub oo fududeyneysa xayiraadaha COVID19

0
Monday May 03, 2021 - 09:14:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yurub oo fududeyneysa xayiraadaha COVID19

    Hargeisa(HWN):-Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa bilaabay in ay qaadaan ama qafiifiyaan qeybo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa bilaabay in ay qaadaan ama qafiifiyaan qeybo


Hargeisa(HWN):-Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa bilaabay in ay qaadaan ama qafiifiyaan qeybo ka mid ah xayiraada saaran xanuunka Covid 19 waxaana shalay laga qaaday dalka Portugal xanibaadihii saarnaa.



Qafiifintan xayiraada ayaa laga bilaabi doonaa maqaayadaha wax laga cuno iyo goobaha cabitaanada oo furnaan doona ilaa 10:30 fiidnimo, iyada oo miiskiiba ay fariisan karaan lix qof meherada gudahooda, halka bannaankana ay fariisan karaan ilaa 10 ruux.

Inta badan goobaha Ganacsiga ayaa furnaan doona ilaa Sagaalka fiidnimo maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha halka daba-yaaqada Todobaadkana ay furnaan doonaan ilaa todobada fiidnimo.

Xannuunka Covid 19 ayaa marka laga soo tago dadka uu soo ritay waxaa uu saameyn adag ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dadka iyo goobaha ganacsiga oo xayiraad joogta ah lagu soo rogay.

Laakiin go'aankan ay qaateen qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ugu yaraan soo celin kara rajada dhaqdhaqaaqa dadka iyo goobaha ganacsiga.


Loading...
Loading...