Axkaamta Ramadaanta ... Qaybtii 20aad

0
Sunday May 02, 2021 - 16:36:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta ... Qaybtii 20aad

    W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub

Fadliga cibadaada habeenkii
Ramadaan waa bil cibaado, wax kasta oo wanaagsan oo la sameeyo bishaa abaal gudkeedu waa mid la labban-laabo, dheeraadka bishu wadato awgeed. Waa bil khayr leh oo wixii xumaan wada albaabada loo laabo. Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday in uu yidhi, "Markay Ramadaan soo gasho; albaabbada jannada waa la wada furaa, kuwa naartana waa la xidhaa, shadaadiintana waa la silsiladeeyaa.” Markaa bishu waa bil sarreedo, oo bilaha kale ka tilmaaman.

Sidaa darteed bishan waxa lagu maamusaa in lala yimaaddo cibaado ka badan cibaadooyinka lala yimaaddo bilaha kale. Cibaadooyinkaa waxa ka mid ah in la istaago habeennimada Ramadaan, oo loo kaco in la oogo salaadaha la yidhaa Taraawiix iyo Tahajud oo labaduba soo hoos gala Salaatul-laylka salaadda loo yaqaan.
Habeennimada Ramadaan in lagu cammiro salaad waa mid Rasuulku CSW dhiirigaliyey, "Qofka kaca habeenka Ramadaan, kaas oo la kaca iimaan iyo dambi dhaaf, waxa la dhaafaa dambigiisii hore iyo dambe ba.” Sida aad ku arkayso xadiiskaa waxa libinta lagu gaadhayaa waa in aad u soo jeeddo habeenkii Alle dartii. Alle SWT isaga oo ka hadlaya qofka hurda habeenkii iyo ka isaga xusaya ee u taagan salaad isaga oo tilmaamaya in aannay sinnayn, ayuu yidhi, "Ka habeenkii u taagan xuska isagoo sujuudsan ama taagan, ka baqaya aakhiro, rajaynaya naxarista Rabbigii. Miyey siman yihiin ka wax garanaya iyo ka aan waxba garanayn?” Aayaddaasi si cad bay inoogu kala qeexday labada qof ee midna hurdo midna Allihii u taagan yahay in aanay isku abaal celin lahayn.
Salaadaha habeennimada Ramadaan la tukado waxa markii ugu horreeyey sameeyey Rasuulka CSW sida ay Caa’iisha Rc sheegtay, "Nabigaa ku tukaday masaajidka, dhowr saxaabadiisa ah ayaa la tukaday, habeenkii labaad ayuu haddana ku tukaday dadkii ayaa soo batay, habeenkii saddexaad markuu arkay in masaajidkii laga soo buuxsamay ayuu u soo bixi waayey, markii waagii baryey wuxuu ku yidhi; "Waxa aan idinku soo bixi waayey, waxaan ka baqay in laydinku waajibiyo.”
Xadiiskaa waxa aynnu ka faa’idaynaa in salaaddu sunne tahay, haddii Rasuulku CSW uu jogtayn lahaana ay innagu noqon lahayd waajib. Rasuulku CSW wuxu inoo ahaa mid danteenna ka shaqeeya oo aan dhib ina la jeclayn, waana sababtuu u soo bixi waayey habeenkaa. Xasuuso kolkii ninkii ku yidhi Rasuul Allow xajku sannad walba ma waajib baa? Ee uu ka aamusay. Markii dambe waa kii lahaa, "Haddaan ‘haa’ odhan lahaa, waajib bay idinku noqon lahayd manaydaan karteen.”
Xilligii Cumar Ibnu Khadaab Rc ayaa la tukaday salaadda Taraawiixda, oo habeen walba bacda cishaha la tukan jiray, iyada oo qofkii doonaa tukan jiray kii kale na aan la eedayn jirin. Sidaas ayey ku noqotay salaad illaa imika la oogo. Inta rakcadood ee la tukada waa; kow iyo toban, saddex iyo toban, iyo kow iyo labaatan, intuba way sugan yihiin. Mid ayaa muhiim ah in la ogaado, salaadda marka aad tukanayso waa in aad la timaaddaa salaad xasilloon oo aan dedejin lahayn.
Habeennimada Ramadaan qofka u kaca salaadda Rasuulku CSW wuxu ugu bushaareeyey dambi dhaaf iyo naxariis, "Qofka kaca Ramadaan, isaga oo u kiciyey iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafaa dambigiisii hore iyo kiisii dambe.”
Waxa kale oo la dhiirigaliyey in aad salaadda aad tukanayso ee aad kula tukanayso jamac habeennimada Ramadaan aanad dhexda ka jarin ee aad la dhamayso imaamka sida Rasuulka CSW ka sugan, "Qofka u kaca salaadda ee la tukada imaamka ilaa intuu ka dhamaynayo, wuxu la mid yahay qof habeenkii oo dhan salaad u taagnaa.” Sidaa waxa leh ergaygii Alle SWT, haddii aad imaamka la dhamaysato waxa aad helaysaa darajadaa sare.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...