Tabtii iyo Xeeshii Tuugta

0
Sunday May 02, 2021 - 09:48:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tabtii iyo Xeeshii Tuugta

    W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar
 

Waa sheeko kale oo ka mid ah, taxanaheennii Ila Qosol ee akhristayaal ku soo dhawaada.


Nin baa beri qindi (laba) dibi meerartay - si u beerta ugu qoto. Xilli ay Duhurkii ahayd, ayuu maqlay dhawaaq ka baxaya meel aan ka fogeyn. Dibidii intuu marashida dhulka ugu mudey, ayuu u cararay dhinacii laga dhawaaqayey.


Markii uu meeshii yimidna, wuxu ugu yimid nin dhabanada haysta oo ku qaylinaya; " Waar waa yaabey, waar waa yaabey!" Ninkii oo ka yaabban waxa ninkan helay, ayaa ku yidhi, " Waar maxaa ku helay ee kaa yaabiyey?" Ninkii qaylinayey ayaa mar dambe ugu jawaabey ninkii beeraleyda ahaa, " Waxan ka yaabay, ninkaagan dibiga kaliya beerta ku qodaya!"


Ninkii beerta qodayey ayaa xagga dambe eegay, saa waa dibi qudha oo beertii dhex taagan! Isaga oo indhihiisa rumaysan la', ayuu ku jawaabey, " waar labaan ku qodayee kii kale xagguu tegey?"
Ninkii qaylinayey ayaa ku yidhi, " Intii aan ku arkayeyba, hal dibi ayuun baad beerta ku qodeysey!"


Labadii nin ayaa xaggii beerta u soo yaacay. Dibigii kalida ahaa ayayna u yimaadeen.
Markii uu ninkii dibigiisii cabbaar eegeegay ee waxba arki waayey, ayuu ninkii qaylinayey talo soo jeediyey oo uu ku yidhi, " Waar bal orodoo, dibigii meelahaasi ka soo raadi; aniga ayaa kan kuu sii ilaaline."


Ninkii beerta lahaa, ayaa toow yidhi. Muddo markii u maqnaana, wuxu soo noqday; isaga oo fara madhan!


Waxase anfariir iyo af-kala-qaad ku dhacay, markii uu beertii ku soo noqday ee uu waayey, dibigii kale iyo ninkiiba.


Yaab, tolow maxaa dhacay?

Ninkan meesha ka qaylinayey oo tuug ahaa iyo saaxiibkii oo ahaa tuug isaga ka daran; ayaa ninkan u soo fikiray oo go'aansaday; in ay labada dibiba ee beerta ku qodoyo ka kaxaystaan!


Markii uu ninka beeraleyda ahi ku soo cararay ninkii qaylinayey, ayuu tuuggii kale sii furay labadii dibi midkood oo uu kaxaystay. Markii uu baadidoon tegeyna, tuuggii qaylinayey ee ku yidhi, " Waar anaa kan sii ilaaline, bal dibigii kale soo raadi:" ayaa kii kalana sii kaxaystay!!


Guntii iyo gebogebadii, waxa isku soo hadhay; ninkii iyo qalabkii uu beerta ku qodayey oo labadii dibi ee dabada hayeyba waa laga kaxaystay!

Allahayoow ninkaasi ma loo qayilay!


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...