Dhacdooyinka Hargaysa Iyo Xayawaanku Taariikhda 80 Sanno Ah Bay Soo Taxnayd

0
Sunday May 02, 2021 - 09:39:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhacdooyinka Hargaysa Iyo Xayawaanku Taariikhda 80 Sanno Ah Bay Soo Taxnayd

    M Bashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M Bashe
Dhacdooyinkan u dambeeyey EE Baxsiga libaaxyada waxay ka turjumayaan Dawlada Hargeysa ee Hoose Karti darideeda iyo mooganaanta Magaalada Caasimadda ah. Libaaxyada QOF Madaxa oo maalqabeeni wuu haysan karaa oo shirkadi way haysan kartaa oo hayadi way haysan kartaa laakiin waxaa Meesha ka maqan in kaalintii Dawladu lahayd meel kasta ka maqanyey dhacdo kastoo dhacdaa oo khatari markay dhacdo AYEY Maareeyayaal badhisaab ,police sidii oday geli ba,ay godadkooda kasoo boodaan oo Hambaabur kula soo dhaca magaaalada, Madaxtooyo uun gola kafuul maamula ku dhaqmaysa waxaasi waxay ka markhaati kacayaan inaanuu Dawlad Sare, mid Dhexe iyo mid Hoosatoona qorshe magaaalada lagu wadaa oo meel yaal ma jiro, sababtana waa la wada garanayaa oo SHAQO KASTA WAXAY WADATAA KHARASH (COST) TAASAA LAGA CARARAYAA HADDAY DAWLAD HOOSE TAY IYO HADDAY DAWLAD SARE IYO DHEXE TAHAY OO FOOQYADII CASHUUR TA LAGA DHISANAYEY AYAA YARAANAYA. MAR WALbA DHACDAA IMAN AMA LIBAAX HA NOQOTO AMA DAAD HA NOQOTO AMA DABAYL IYO ROOB HA NOQOTO AMA DAB HA NOQOTO EE WAA AFKALA QAAD IYO KARTI IYO QORSHE AAN JIRIN.



(FANY SIDE) KA SHEEKADA BAHALAHA IYO HARGEYSA.

HARGEYSA way ka duwantay XAGGA dhacdooyinka Bahala magaalooyinka ka kale Burco (Magaalada raganimada iyo Sayladda Xoolaha) , Borama (Magaalada CILMIGA iyo Runta) laascaanood Magaalada Ballaaqadda iyo kaftanka, Oodweyne Canaageela, Gebiiley Magaalada hadhuudhka iyo Xidid wannaagga, Berbera Magaalada Xaddaarada qabyaalad yaridda, Ceergaabo Magaalada DAHABAKA IYO QURUXDA.


SHAN dhacdo OO BAHALAHA iyo HARGEYSA dhaba 80kii sano ee u dambeeyey.
Waxay kala yihiin HAANTII IYO WARAABIHII IYO HARGEYSA.


BAHALKII BIRIISHKA DHACAY.

GORGORKII RIDA CAASHAQAY, Qabtii I a Xasan Rakuub iyo XAMMAALKII JIIRKA NOQDAY, IYO TAN UGU DAMBAYSAY - LIBAAXII WARAN CADDE IYO HARGEYSA,.


MARKAA WAA MUHIIM IYO ILBAXNIMO SHEEKOOYIN KA NOOCANA CARUURTA IYO DHALINYARADU I AY OGAADAAN OO LIBRARIES IYO ISKUULADA LOO DHIGO.


IMIKA WAA IN BAADHID IYO QORAAL LAGA DIYAARIYO DHACDADAN OO CILMIYEYSAN. XAALADA BEERTA LIBAAXYADA IYO SHAQAALEEDA. GOORMUU LIBAAXU BAXAY DADKUU WAXYEELAY MACLUUMAADKOODA IYO WIXII LA MIDA. HUBAAL INANTII HORE EE UU CUNNAY XUKUUMADDU MAGACEEDII GARANMAYSO IYO DHACDADII. MAAMUL BILAA XUSUUSA REER SOMALILAND AW CIDI MA ICTIRAAFI KARTO.
HAL SHEEKO AYAAN IDIN SIIN KUWA KALE MAR KALE.



1- 1940kii Dumar reer miyi ah baa AWAARE kasoo safray oo subag haama ku keenay soona Magaalaysi tegay, berigaa Dooxaa ceelal badan LAHAA oo laga dhaansan jirtay. Dumarkii HAAN baa MIDI ka DALOOSHANTAY MARKAA SAY HAANTII XAYDH KU AWDEEN DALOOLKII, AWRTII IYO HAAMIHI DOOXAY HABEENKII KAGA TAGEEN WAAYO BERIGAA TUUGI MA JIRIN MAGAALOOYINKA.


WARAABII HABEENKII MAGAALADA SOO GELI JIRAY BAA HAAMIHI U YIMI, MARKAASUU MARKIIBA XAYDHII URIYEY DABADEED HAANTIIBUU MADAXA LA GALAY OO XAYDHBUU CARRABKA SOO MARIYEY, MARKUU IS YIDHI MADAXII HAANTA KALA BAX AYAA MADAXII UU LA BIXI KARI WAAYEY DABADEED ISAGOO HAANTII LA GALGALANAYA AYAA WAAGII U BERYEY DADKIINA DOOXII YIMAADEEN OO SAYLADA XOOLUHU DOOXAY AHAYD OO HALKAASBAA MAGAALADA ENTERPRISE U AHAYD. WARAABII XAGGUU SAN KA MAQLABA MADAXII IYO HAANTII BUU ULA CARARAA, MAQAXIYIHII, IYO Dukaanadii oo dhan buu jiidhay oo dadkii baa qaban kari waayey, bulshadii wax qoslaya iyo wax ooyaya oo UU ka jiidhay cuntooyinkii la karinayey, Dukaanadii wuu wada jiidhay Maalin ka yaab badan ay ahayd maalin tan Libaaxa Warancadde.


Sheekooyin ka kale way soo socdaan siday HARGEYSA uga dhaceen. Sheekooyinkan WAA LIBRARIES la dhigaa caruurta HARGEYSA iyo xayawaankeeDa iyo dhacdooyinka loo meeleeyo.

M Bashe

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...