Dugsiyada Nuuradiin Waa Shamac Ka Dhex Ifaya Waxbarashadda Somalililand
Qalinkii: Tukaale Nuur
Dugsiga Nuuradiin waxa la aasaasay sanadkii dabayaaqadii sanadka 1995
wuxuuna ka kooban yahay sadex qaybood oo waa wayn Qaybta Barbaarinta
Ubadka, Dugsiga Hoose Dhexe iyo Dugsiyada Sare oo (qayb hablaha ah iyo
qayb inamada ah). Dugsigan waxa Aasaasay muwaadin reer Somaliland Mahad
Ibraahin Maxamed oo 30 kii sano ee danbeeyay kusoo dhex jiray bahda
waxbarashada kana soo bilaabay Machad luuqdaha kala duwan lagu barto,
maantana ka mid ah dugsiga ugu badan ee ay dhigato ardayd reer
Somaliland.
Dugsiyada sare ee nuuradiin-schools wuxuu ka mid yahay dugsiyada ugu
waxbarashada tayada fiican dalka ayaa waxay ka soo bilaabeen heerar kala
duwan ka dib markii ay kor u qaadeen heerka aqooneed ee macalimiinta
duruusta siiya ardayda wax kabarta dugisyada nuuradiin.
Waxa marag ma doona, Sanad kasta Dugsiyada Sare ee Nuuradiin waxay
kaalmaha koowaad ka galaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada dalka
waana talaabo muujinaysa heerka tayada tacliinta iyo tarbiyada ardayda
wax ka barata dugsiyadda Nuuradiin. Dugsiga Nuuradiin waxa uu diyaariyay
deegaan ku haboon waxbarashada iyo Aqoon u saamaxda arday wal oo
Nuuradiin ka baxay Dugsiyadiisa sare inuu qaadan karo Takhasus wal oo ay
Jaamacadaha Maxaliga ah iyo kuwa Dibaduba ay bixiyaan – ardayda dibadda
u waxbarasho doonata
Sidaas darteed hadafka waxbarasho ee Dugsiyada Nuuradiin iyo
Halgankooda naf-huridda ah waa mid hanaqaaday oo hirgashay si ay
bulshada ugu soo kordhiyaan arday ka dhisan aqoon maadi ah, mid diini ah
iyo dhaqanka suuban ee aynu ka rabno ardaydeenu in ay yeeshaan.
Hadaba dhacdadii ka dhacday qaybta dugsiga Nuuradiin Boys waxay ahayd
kicin bulsho oo dabada ku haysa dano gaara iyo dagaal siyaasadeed oo cid
gaar ah ka danabyso oo la rabo in lagu dumiyo mustaqbal ardayda wax ka
barata. Xikmad soomaaliyeed ayaa tidhaa Geedku intuu yaryahay ayaa la
toosiyaa, waxa taas ka dhigan Dugsigu waa goob tarbiyada ardayga lagu
dhiso dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisa lagu wanaajiyo; arday kasta oo ku
kaca fal lidi ku ah iskuulka ama ka baxsan anshaxa waxbarashada waa
qasab in talaabo laga qaado, iyadoo loo marayo hay,addaha sharciga ee
dalka iyo wasaaradda waxbarashada Somaliland. Ma qumana in arday iyo
macalinkiisa, ama arday iyo dugsigii uu wax ka baranayay laga dhex
shaqeeyo iyadoo dano gaara la wato.
Wabilaahi Tawfiiq
Qalinkii: Tukaale Nuur
Hargeysa/ Somaliland
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...