Arabsiyo Waa Caynkee? Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash

0
Sunday May 02, 2021 - 09:22:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arabsiyo Waa Caynkee? Hal-Abuur Qoraa Xamse Riiraash

    "deed waxa aanu u kuurgalnay noocyada iyo midhaha Meesha ka baxa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"deed waxa aanu u kuurgalnay noocyada iyo midhaha Meesha ka baxa"
Waxa ay ahayd xilli aan u jarmaanay aagaga galbeed gaar ahaan dagmada arabsiyo oo ka tirsan gobolka cagaaran ee gebiiley.



halkaa oo aanu jeclaanay in aanu jawi badalasho fiican kusoo qaadano soona daawano bustaanada qurxoon ee ay ku caantahay


judhiiba waanu gaadhnay iyada oo dhacda duleedka galbeed ee hargaysa kagana aadan dhanka bari ee magaalada gebiiley.


degmada oo leh beero iyo bustaano ayaa aanu ku nasanay geedaha xamarta ee dhaadheer iyo liin macaanta hoosteeda.deed waxaanu dhex marmarnay gudaha beeraha iyo meelaha qaarkood oo ay ka baxaysay timirtu.


markiiba beeralaydii way nasoo dhaweeyeen waxa ay nasiiyeen caw taas oo aanu dhignay isla geedihii hoostooda iyaga oo noo sheegay inay ku faraxsanyihiin imaanshaha aanu I nimid .


waxa ay nagu yidhaahdeen waxaad tihiin dad bashaasha oo faraxsan soo dhawadaan idin leenahay waynu ku mahadsaniyihiin.


deed waxa aanu u kuurgalnay noocyada iyo midhaha Meesha ka baxa kuwaas oo ay ku tabceen dad dadaalay.


waxa aan wax uga sheegnay ahmiyada ay beerahu ay leeyihiin anaga oo xasuusinay inay dunidu ku hor martay beer falashada.


haddaba dalkeenu waxa uu leeyahay meelo badan oo ku haboon beer falashada.haddii aynu taariikhda eegnana dadyowgii daganaa furaat iyo niil waa dadkii ug horreeyay ee ilbaxnimada dunida ubo furka u ahaa.


haddaba waxa aan ku dhiiri gallinaa faa'idada beeraha anigoo dadka ku leh halla booqdo deegaanka qurxoon ee arabsiyo.


qoraalkaygan imikana waxa aan kusoo gabagabaynayaa, waxa ay noo ahayd safar wanaagsan halkaa oo aanu afurkii ku qaadanay magaaladana ka cashaynay alxamdulilaah


Hamse Riiraash.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...