Doorashoyinka Dalkeena

0
Sunday May 02, 2021 - 09:13:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashoyinka Dalkeena

    W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Hassan.

Insha allah 31 may 2021 o ah maalin isniina , Dalkeena waxa ka  dhacaysa doorashoyin isku sidkan o baarlamaan iyo degaan waa  doorashadii 7aad ee qof iyo cod ah waa dhamaystirka geedi socodka Somaliland waa jawaab furan o ku socota dunida o cadayn ah  jihaynta dalkeena Somaliland o ay ka dhacaan doorashoyin xor ah o xalaal ah is markaana qof iyo cod ah waxay xal xidhaale qadhaadh  u tahay geeska Africa iyo Africa guud ahaan.
Lis Dairy



Dalkan Somaliland waxa ka jirta nabad taam ah is ogol siyaasaded  o bisayl ku ladhanyahay waxa aynu maalin ba maalinka ka  danbaysa horumarkeena ku darsamaya wax wayn o hore loo  qaaday wallow ay jiraana dib dhicyo badan o ay tahay in si deg deg  ah loo xaliyo waana arimaaha aynu uga baahanahay xildhibaanada  hadda soo socda e barlamaan iyo degaan si u usii socda horumarka  dalkeena o ay dunida ina gu amaantowax wada qabsi iyo nabad.



Talo Deggan:

Horta waxaan aad u amanayaa darafyada dawladda o heegen ku  jira qabsoomida doorashoyinka dalkena ukuur galka xaaladaha jira iyo kuwa iman doona , ilaalinta amniga dalka iyo muwaadininta
Somaliland shaqada ay hayaana ad bay ugu amananyihiin.


Taloyinka aynu u bahanhay waa:

Dhinaca Shacabka:

1.  In muwaadin walba halkiisa isku xilqaamo o ka shaqeeyo  xaladaha amni isla markaanaa u halkisa is xilqaame ku noqdo.

2. In wixi jira u arko usoo gudbiyo lamaaha ay khusayso e amniga dalka si deg deg wax loogu qabto xaladaas.


3. In muwaadinka si nabad gelyo ah u galo safka isla markaana si nabad galyo ah ku codeeyo.


4. Wa in u si wacan u raaca tilmamaha iyo shurudaha commision ka doorashoyinka qarankeena.


5. Waa in cid walba o ka shaqenaysa doorashiyinka ay si  mas’uliyad ah ay uga shaqeeyan o ilaahay dartii ah maadama  ay xisaab ilaahay jirto.

 
Dhinaca musharixinta:
1.
Musharax walbaa waa in u ilaaliya hab raaca dorashoyinka  dalka iyo xeer walba sidiisa.


2. Musharaxu waa in astaantisa barlamaanka u si wacan ugu sii dhaadhiciyo tagerayashiisa , musharaxa degaankuna waa in uu lambarkiisa ka sii dhaadhiciyo tagerayashisa  maadama ay jiraan dad aan waxna akhriyin waxna qorin si  ay usii fahmaan sida iyo Qaabka loo cadeenayo.


3. Musharax walbaaba waxa u filayaa guul iyo guul daro sida  daraded cidi ilaahay u qoray way soo baxayaan si shaki  la’aana waliba nidaam cadalad ah maadama aynu xaga  doorashoyinka aynu qaan gaadh ka nahay sida daraded  waxan ku talinayaa in aan musharaxna saluugin isla  markaana aanu cambaraynin nidaamka doorashoyinka  dalka o aan saaxafada ka hadlin waa in la waaya cid
dhalacaysa dorashada kana dhalacaysa saxaafada maadama ay doorashadani tahay , doorashadii geedi socodka dalkeena iyo u xiib siibashada ictiraafka dalka.


4. Qasab cabasho way iminaysaa e waa in si hoose loogu  gudbiyo commosion ka qaranka isla markana la xaliyo sida  ugu wacan iyada o waliba warqad qoraal ah taas waxa ay ka bajinaysaa musharaxi ka hadlida saxaafad.
 

Dhinaca xisbiyada:

1. Xisbiyadu waxa ay ilalinyaan nidamka doorashoyinka dalka sida daraded waa in si wada jira 3 xisbiba gacmaha isu  qabsadaan waana wax inoo muuqdaba sida wacan u uga  wada shaqenayaan arintaas waana in in si hoose wax lo  eega.


2. Xisbi walbaaba halkiisa ayu doorka ka ciyaaraya waa in u kasii kordhiyaa.
 
Dhinaca dawlada:

1. Waxa aan aad ugu amanaya shaqada ay hayaan laamaha  amaanka o mar walba heegan ugu jira nabad galyada iyo  xasiloonida dalkeena waxanan kula talinayaa shaqadina  halkaas kasii wada waxa dhimana dhamaystira insha allah.


2. Waxa kale o amaan mudan xukumada manta jirta sida ay  doorashoyinka uga soo shaqaysay waxanan iyana  xukumada kula talinyaa in ay xadhiga ka dayso  musharixinta maadama ay xasanad leyihin sida sharcigu  shegay , hadda agow waxana furan o ayxakumada ku  tagersanyihiin shacbiga gobta ah e Somaliland in cid walba  o ka hor iminaysa madaxbananida iyo nabada Somaliland  in la xidho isla markana ay xasanadasi ay burayso.


Ugu danbayn qof walba madaxwaynaha qaybaha  xukumada , lamaha amniga e dalka iyo cid walba waxa  saran waajib ah ilaalinta nabad galyada dalkeena iyo  dhicitaanka doorasho bilaa xasarad ah o si nabdoon inagu  dhacda isla markana wanaag ino soo hoysa insha allah.


Mahadsanidiin Dhamantiin
TWITTER: H.E Mohamed Aden Hassan
Email: [email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...