Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ka Hadlay Khasaarihii ka Dhashay Roobkii ka Da'ay Hargeysa

0
Sunday May 02, 2021 - 08:39:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ka Hadlay Khasaarihii ka Dhashay Roobkii ka Da'ay Hargeysa

    " Waxa laga badbaadiyeen 172 qof iyo saddex baabuur"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Waxa laga badbaadiyeen 172 qof iyo saddex baabuur"
Hargeysa (HWN) – Badhasaabka Gobolka Maroodijeex, Jaamac Xaaji Axmed, ayaa sheegay in roobkii shalay ilaa xalay ka da’ay Hargeysa uu qaaday gaadiid tiro badan.

Badhasaabka Maroodijeex wuxuu sheegay in geerash ku yaalla dooxa qarkiisa uu daadkii galay qaaday gaadiidkii dhex yaalay.


Waxa kale oo uu badhasaabku sheegay in ciidamada ammaanku ay daadka ka badbaadiyeen 172 qof iyo saddex baabuur.



Badhasaabka Maroodijeex wuxuu gaadiidleyda ugu baaqay in aanay haligin dadka ay sidaan oo aanay dooxyada ku dhex tuurin marka daadku socdo.


Badhasaabka Gobolka Maroodijeex wuxuu u mahadceliyey ciidamada ammaanka oo heegan u galay badbaadinta dadweynaha.
Loading...
Loading...