Mar haddii Farmaajo uu iska wareejiyay hawlaha doorashada, doorkiisu muxuu noqon doonaa?

0
Sunday May 02, 2021 - 05:38:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mar haddii Farmaajo uu iska wareejiyay hawlaha doorashada, doorkiisu muxuu noqon doonaa?

    Mar haddii Farmaajo uu iska wareejiyay hawlaha doorashada, doorkiisu muxuu noqon doonaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar haddii Farmaajo uu iska wareejiyay hawlaha doorashada, doorkiisu muxuu noqon doonaa?


MUQDISHO(HWN):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao ayaa ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyay inuu hoggaamiyo diyaarinta, hirgelinta doorashada iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasilloon.


"Waxaan ra'iisal Wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka saxiixeyaasha heshiiskii 17-kii September ee 2020, si loo meelmariyo heshiikaas iyo talooyinkii farsamo ee ka soo baxay shirkii Baydhabo ee 16-kii Febraayo 2021. Sidaa daraaddeed, waxaan farayaa Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baaxadda wayn ee hortaalla."

Tallaabada ah in madaxweyne Farmaajo uu raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyo arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa laga soo dhaweeyay gudaha iyo dibadda intaba waxaana ay u muuqataa hadda wixii ka dambeeya isha lagu hayo sida ay dhinacyadu Soomaalida u wajahaan arrinta doorashooyinka.
.

Haddaba arrintaan maxay ka dhigantahay?

Daahir Isaaq Qoriyoow oo ka faallooda arrimaha bariga Afrika, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid dhanka wanaagsan loo qaaday maadaama Mucaaradka iyo Maamul goballeedyadu ay horey ugu baaqayeen una codsanayeen in muddo kordhinta laga laabto laguna laabto miiska wadahadalka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember.

"Waa waxay ka codsanayeen Midowga Musharaxiinta waa wixii ay ka codsanayeen maamul goballeedyada qaar oo ka cabsanayay xagga amnigooda iyo armuu madaxweynuhu ku shubtaa doorashooyinka soo socda marka haddii la arkay qof Soomaali ah oo ah raysal wasaarihii ay codsanayeen ah in lagu wareejiyo doorashooyinka waxaan umaleynayaa inay tahay arrin wanaagsan" ayuu yiri Daahir Isaaq Qoriyoow. Wuxuu intaa ku daray in arrintaan ay meesha ka saari doonto cabashadii mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ee keentay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Puntland iyo Jubaland ma la shaqeyn doonaan Ra'iisal wasaare Rooble?

Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa horey shuruudo ugu xiray shirar dowladdu ku baaqday iyagoo sido kale wadahadalkii ugu dambeyay ee uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ku xiray shuruud ah in beesha caalamku ku marti qaaddo shirka looga hadlayo doorashada.

Balse Daahir Isaaq Qoriyow ayaa qaba in hadda ay u muuqato in ay soo dhaweyn doonaan iyagoo wali laga yaabo in shuruudo u gooni ah ay la imaanayaan hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiro war ka soo baxay Puntland iyo Jubaland oo ay kaga falceliyeen hadalka madaxweynaha.

Aragtida ah in maamul goballeedyadu shuruudo cusub la imaanayaan waxaa isana qaba barafasoor Jibriil Cali Aw-Maxamed, oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, "Dowladda gobaleedyadu inay la yimaaddaan shuruudo cusub waa wax dhacaya wadahadal iyo wadaxaajood ku saabsan qodobbadii heshiiskii 17-kii September in la keenayo waa shaki la'aan arrimahaasi xoogaa wakhti ayay qaadanayaan laakin doorashadu way dhacaysaa Soomaaliya uma furna waddo kale oo aan doorasho ka ahayn" ayuu yiri Jibriil Cali Aw Maxamed oo BBC-da u waramayay.

Madaxweyne Farmaajo ma ka maqnaanayaa wadahadallada laga yeelan doono doorashada ee Rooble hoggaamin doono?

Ma cadda wali in madaxweynaha uu kulmada arrimaha doorashada ka qeybgeli doono iyo in kale. Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ku wareejinta arrimaha doorashooyinka iyo amnigeeda raysal wasarae Maxamed Xuseen Rooble aaney ka dhigneyn in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka maqnaado shirarka iyo wadahadallada laga yeelanayo doorashada maadama hadda dib loogu laabanayo miiska wadahadalka isla markaana la doonayo in wax walba lagu saleeyo heshiiskii 17-kii September ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamaul goballeedyadu wada gaareen.

Maadaama uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qayb ka ahaa heshiisyadii hore ayaa falanqeeyaasha qaar waxaa ay qabaan in aanu ka maqnaan karin kulamada laga yeelanayo arrimaha doorashooyinka ee la filayo in shaqadoodu ay billaabato wixii hadda ka dambeeya.

"Madaxweynuhu wuxuu qayb ka ahaa heshiiskii September 17-keedii ay dowladda goballeedyadu iyo dowladda federaalku gaareen, heshiiskaas dhameystirkiisana inuu qayb ka ahaado waajib waaye waxa uu madaxweynuhu wareejiyay casuumaadda shirarka magacaabista guddiyada doorashada, maamulka doorashada howlahaas ayuu raysal wasaaruhu la wareegay marka madaxweynuhu kama maqnaanayo haddi uu ka maqnaandana waxaa loo arkayaa inuu shirka xagal daacinayo" ayuu yiri barafasoor Jibriil.

Balse aragtidaas barafasoor Jibriil mid ka duwan waxaa qaba Daahir Isaaq Qoriyoow oo rumeysan in madaxweynaha Soomaaliya doodiisu ku qeexantahay heshiiskii 17-kii September iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo ay ku gaareen magaalada Baydhabo, sidaas darteed aanu tagi doonin shirarka la filayo in maamul goballeedyadu iyo raysal wasaaruhu yeeshaan.

"Waxaan filayaa in aanu shirarka horudhac ah tagi doonin laakiin uu sugayo wakhtigii uu saxiixi lahaa, nimankaan kale ee dowladd goballeedyada gobalka Banaadir iyo raysal wasaaruhu ay tafaftiri doonaan wixii oo markaa qeexan oo saxiix u dhiman yahay uu tagi doono laakin aanu ka qyabgali doonin maadama isagu oggolyahay heshiiskii hore" ayuu yiri Daahir Isaaq.

Suurgal ma tahay in la heshiiyo oo doorasho la qabto?

Khilaafka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya muddo ayuu taagnaa iyadoo shirar badana dhinacaydu ka yeesheen balse lagu heshiin waayay hannaanka doorashada wuxuuna ismari-waagu keenay in beesha caalamku ay caddaadis saarto madaxda Soomaalida, maadamaa muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday bishii Febraayo ee sanadkan.

Dadka arrimahaan sida dhow ula socda ayaa qaba in cadaadiska hadda saaran madaxda dolwadda federaalka, mamaul goballeedyada iyo mucaaradka uu khasbayo in aaney furneyn wadda kale oo ah in doorasho la aado taasi oo saldhig u noqon karta xasilooni siyaasadeed oo dalka Somaaliya ka hirgasha.

"Cadaadiska saaran dhinacyada Soomaalida awgood suuragal ma ahan qorshe aan aheyn doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September oo daraadeed looga soo noqday muddo korarsiga labada sano ahaa in la qabto waxaan aheyn ama la qaban waayo midna suurgal maaha" ayuu yiri Jibriil Cali Aw-Maxamed.

Loading...
Loading...