Dilaagani Karooniyo, Dadkan Qaraxu Daashaday, Farmaajaaba Kaga Daran
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM {A.S.C.W.R.W.B.]
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
DILAAGAA KAROONIYO,DADKAN QARAXU DAASHADAY,
DAALIN CADAWA WEEYE,FARMAAJAABA KAGA DARAN,
DAWAANA LAGALA QOOSTO,DEGIBA MAAYOBUU YIDHI,
DAWLADAHA ADUUNKIYO,DANEEYEYAASHI WADA DIID.
DAGAALBU KA DOOR BIDAY,DADKUBA AY KA DAALEEN,
DAMIIM WEEYE DHEGALON,DAMQASHIYO LAHAYN BAQE,
DALKANA WUXU KU HAYSTA,DABAABADIYO RASAASIYO,
CIIDAN WADA DERDERANO,MAGACYADA DUGAAGA LEH,
DAWLADO SHISHEEYIYO,DIGTAATOORA U TABABARAY,
DANI IYO MADOOBANA,WAY ISKA DAALI DOONAAN,
DALALKA AY ASXAABYIIN,
DOORASHADUBA WAA CEEB,OO UMMA DAREERAN,
DOOLARNA WAAYI MAAYO,QADARBA DIYAAR LA AH,
TURKIGUNA MA DIIDANA,DEKEDA IYO MADAARKUU,
DARARTOODA MAALAAYE,WIXII DUMAYA YEELKOOD,
DABAYSHAAN ARKAAYOO,DURBA DIIRE JANANADU,
DADKOODAY U NAXAYAAN,DAAQUUD DIIDE AMARKI,
DEMDEMTA BAALO XOOFTADU,WAA LAYSKU DEYAYA,
HADDII AANAY KALA DIDIN,AMA DOOLAR LAGU FURIN,
DIBU DHIGISTA MOOYEE,KU DARSIGU MA SOCON KARO,
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!