Carbiska Barbaarta Aqoonyahanka Somaliland (Shaqo-Qaran), GuulahaBarnaamijka Shaqo-Qaran.
Qormada 3aad.
an iyo markii la aasaasay Barnaamijka Shaqo-Qaran waxa
uu is-bedel wayni ku yimid yididiiladii iyo noloshii dhallinyarada hanka
leh. Waxaa soo noolaaday kalsoonidii shakhsiyeed ee aqoonyahanka,
markii ay yaqiinsadeen in ay kartidooda iyo aqoontooda ku meel mari
karaan, dalkoodana ugu adeegi karaan iyaga oo horseed u noqon kara
badhaadhidda ciida ay ku noolyihiin iyo barwaaqawga nolosha dadkooda,
iyaga oo adeegsanaya aqoontooda iyo jaaniska laga siiyey hannaanka
dawladnimo.
Barnaamijka Carbiska Barbaarta aqoonyahanka(Shaqo-Qaran), waxaa markii
ugu horraysay hal-abuuray oo daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Barnaamijka Shaqo-Qaran waxa uu tixgelin
muuqata siiyaa hablaha aqoonyahanka ah iyo inamada da'doodu ka yartahag
30 jirka. Kootada hablaha loo qoondeeyey saami ah 30%. Halka inamadana
loo qoondeeyey saami ah 70%.
Mudada kooban ee barnaamijkani abuurnaa waxaa taageerada Alle iyo
dedaalka xukuumadda ku sugnaaday guulo dhaxal gal ah oo ay kamidyihiin.
1. Waxaa dufcaddii koowaad ee Shaqo-Qaran ka faaiidaystay wiilal iyo
gabdho tiradoodu dhantahay 1349 dhallinyaro ah oo 1203 kamid ahi
shaqaale joogto ah ka yihiin Maanta Wasaaradaha iyo hay'adaha madaniga
ah ee dawladda. Halka 146 kamid ahi ku biireen ciidamada Qalabka-sida ee
Qaranka. Kaas oo ay garbahooda saaranyihiin darajada laba xiddigle,
kolkii ay soo dhammaysteen tobabarkii Ciidanka Qalabka-sida,
dhammaantoodna laga dhigay taliyaal maamulaaya laamaha kale duwan ee
Ciidanka, aqoontooda iyo kartidooda dhallinyaronimana uga faa'iidaynaya
qarankooda iyo dadkooda ay u adeegayaan.
2. Sidoo kale dufcaddii 2aad oo ka kooban 732 waxay ku jiraan lix
bilood oo Carbis Shaqo-Qaran ah. Iyagoo dhammaantood ka hawlgala
wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska. Carbiskan marka ay dhammaystaana
ku biiro doona laama dawladda.
3. Sidoo kale, dufcaddii 3aad oo ka kooban 330 dhallinyaro wiilal ah
ayaa ku jira kulliyada carbiska ee Shaqo-Qaran ee Dararweyne.
Dhammaantoodna waxay ku qaadan doonan saddex bilood oo Carbis ah. Halka
ku dhowaad 200 hablo ahina ku qaadanayaan Carbiska Jaamacadaha Lixda
gobol.
Ugu danbayntii Barnaamijka Shaqo-Qaran saddexdii sano ee uu jiray waxa
uu gaadhay guulo la taaban karo. Carbiska Shaqo-Qaran waxa uu yeeshay
xarun tobabar oo u gaar ah. Waxa uu yeeshay hoy qaadi kara in kabadan
500 oo qof. Waxaa leeyahay hool weyn oo qaadi kara in ka badan 1500 oo
qof. Carbiska Shaqo-Qaran waxaa leeyahay xarun caafimaad, baabuur u
adeega iyo gaadiidka biyaha qaada oo dhammaystiran. Dhammaan
aasaasiyaadka noloshu waa mid sarraysa inta lagu jiro Carbiska
Shaqo-Qaran.
Sadam Osman Kaabash
Medical Lab Technologist
Freelance Jornalist.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...