Maxaa Xal U Ah Libaaxyada Cali Warancade Ku Haysto Hargeysa iyo Khatarta Ay Dadweynaha u Leeyihiin Marka ay Fakadaan
"Waxa uu Libaaxani u Cunay Haweenay Mudo imika laga joogo Dhawr iyo Toban Sanadood"
Hargeysa(HWN)-Inkastoo Aaney Dunida jirin Habayaraatee Qof iskii ugu Haysta Xero Ama Beer Xayawaanka Libaaxyada Noocan oo Kale ah Marka laga Reebo Beeraha Waaweyn Ee Dawladuhu gacsnta ku Hayaan iskamarkaana, lagu Xanaaneeyo, Xayawaanka noocyadiisa kala Duduwan oo Libaaxu Kamid yahey, taas oo Dadku u Dalxiis Tagaan.
Waa Markii Labaad Ama Sadexaad ee Nooxeeda ah, oo Libaaxyada u Xeraysan Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ay k Fakadaan Beerta uu hayo Libaaxyadu islamarkaana, ay Dilaan oo ay Dhaawacaan Dadka Shacabka ah ee Ku nool Gudaha Caasimada Hargeysa iyadoo ay ugu Dambeysay Dhacdadii Caweysinkii Caawa Kadib markii ay laba Libaax oo nooca Lab ahika Baxsadeen Beerta uu ku hayo Xali Warancade taas oo loo Yaqaan Asal ahaan Beerta Libaaxyada.
Waxa uu Madaxa Qabtey, Libaaxu Haweenay iska horjoogta Gurigeeda, iyadoo uu Si toos ah u Arkayay Wiil Yar ooay Dhashey Sida la Xaqiijiyay, Wazaanu Libaaxu Gaadhsiiyay Haweenaydaas Dhaawacyo Halis ah oo Xawlal Mariidada ilaa dhabarka ah, iyadoo Xaalad halis ahna ku Sugan Waxa ay Wakhtigan Taalaa Cusbitaalka Magaalada Hargeysa, ilaa iyo haddana Lama Hayo Libaaxaasi.
Ma aha Dhacdadni Markii u Horeysay ee Nooceeda ah Hore, Waxa uu Libaaxani u Cunay Haweenay Mudo imika laga joogo Dhawr iyo Toban Sanadood, taas oo aan Wali Waxba iska Badelin Arintan, Waxaana Caado ah in ay Marar badan Fakadeen Libaaxyadani taas oo Marka la ogaado in aanay Khasaare geysan, Maamulka Beertu uu Dafiro in Libaaxu baxsadey Cali Warancade
Loading...
Loading...