Kenya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xidhitaanka Xeryaha Qaxootiga

0
Friday April 30, 2021 - 16:48:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xidhitaanka Xeryaha Qaxootiga

    "Xeryahan ay doonayso in ay dawlada Kenya xidho ayaa waxa ku jira 400,00 Oo Qof"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xeryahan ay doonayso in ay dawlada Kenya xidho ayaa waxa ku jira 400,00 Oo Qof"
Muqdisho (HWN) Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dib u dhigtay xiritaankii xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma oo qaxootiga ku jira ay u badan yihiin kuwo ka yimid Soomaaliya, oo ay wehliyaan qaar u dhashay Suudaanta Koofureed iyo waddamo kale.


Xeryahan ay doonayso in ay dawlada Kenya xidho ayaa waxa ku jira qaxooti gaadhaya 400,000 oo iskugu jira Somali iyo Koonfurta Suudaan, waxaanay sheegtay inay xidhi doonto marka la gaadho 30-ka Juun ee sanadka soo socda.



Warkan ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha khamiistii ayaa waxa uu daba socday kulan dhexmaray madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi oo looga hadlay xaalada xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.


Dowladda Kenya sidoo kale waxa ay sheegtay in ay sameysay guddi ka shaqeyn doona qorshaha xiritaanka xeryaha oo ay ka mid tahay hay’adda UNHCR.


Dowladda Kenya ayaa dhowr mar ku dhawaaqday in ay xiri doona xeryaha qaxotiga ee Kenya ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Loading...
Loading...