Ruushka Oo War Ka Soo Saaray Xaalada Cakiran Ee Somaliya

0
Friday April 30, 2021 - 16:33:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo War Ka Soo Saaray Xaalada Cakiran Ee Somaliya

    "Waxaan la soconaa arrimaha ka dhacaya Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan la soconaa arrimaha ka dhacaya Soomaaliya" Muqdisho (HWN) Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, ayada oo ballan-qaaday inay ka qeyb qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee xalka lagu raadinayo.


Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa lagu yidhi "Waxaan la soconaa arrimaha ka dhacaya Soomaaliya ee ay sii xumeysa qabasho la’aanta doorashooyinkii Febraayo.”



"Ayada oo xubin joogto ah ka ah Golaha Ammaanka ee QM, Russia waxay qorsheyneysa inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee caawimaad dhameystiran lagu siinayo Muqdisho.”


Waa markii ugu horreysay ee Ruushku ay ka hadlaan is-mari waaga doorashada Soomaaliya, tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, 7-dii Febraayo 2021.


Xaalada Siyaasadeed ee Somaliya ayaa ayaamihii ugu dambeeyay degenayd kadib kulamo dhexmaray masuuliyiinta Mucaaradka iyo Xukuumada oo uu ugu horeeyo Raysal Wasaaraha Somaliya.
Loading...
Loading...