Ergey Ka Socda Dalka Qatar Oo La Filayo Inuu Somalia Tago Toddobaadka Dambe

0
Friday April 30, 2021 - 16:13:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergey Ka Socda Dalka Qatar Oo La Filayo Inuu Somalia Tago Toddobaadka Dambe

    "Ergaygan ayaa imanaya magaalada Muqdishu, mana cadda muddada uu joogi doono."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ergaygan ayaa imanaya magaalada Muqdishu, mana cadda muddada uu joogi doono."
Ergay gaar ah oo ka socda dalka Qatar ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe booqasho ku yimaado Soomaaliya.


Ergaygan gaarka ah ayaa lagu magacaabaa Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani waxaana uu ku magacaaban yahay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada.



Ergaygan ayaa imanaya magaalada Muqdishu, mana cadda muddada uu joogi doono.

Ilo lagu kalsoon yahay oo codsaday inaan magacooda la shaacin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan ayaa u sheegay VOA in ergaygan uu kasoo qaybqaatay dhexdhexaadintii Taliban iyo Maraykanka.


Qatar waxay xiriir dhow la leedahay dawladda Soomaaliya. Diyaaradda Qatar Airways waxay ka mid tagay diyaaradaha tirada yar ee caalamiga ah ee tooska u yimaada Soomaaliya.



VOA
Loading...
Loading...