Kenya Oo Dib U Dhigtay Go'aanka Ay Ku Xidhayso Xeryaha Qaxoontiga Ee Dalkeedda

0
Friday April 30, 2021 - 01:19:19 in News by A. Asbaro
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Dib U Dhigtay Go'aanka Ay Ku Xidhayso Xeryaha Qaxoontiga Ee Dalkeedda

    Kenya Oo Dib U Dhigtay Go'aanka Ay Ku Xidhayso Xeryaha Qaxoontiga Ee Dalkeedda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Dib U Dhigtay Go'aanka Ay Ku Xidhayso Xeryaha Qaxoontiga Ee Dalkeedda

NAIROBI(HWN):-Dawladda Kenya ayaa shaacisay inay dib u dhigtay xidhitaankii Xeryaha qaxoontiga ee Dhabaab iyo Kakuma oo ay ku jiraan Qaxoonti ka yimid Soomaaliya, Koon-furta Suudaan iyo dalal kale.


Go’aankan ayay ku dhowaaqday Kenya, kadib markii ay kulan yeesheen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Dunida UNHCR Filippo Grandi.
Polio outbreak in refugee complex in Kenya being contained, say UN agencies | | UN News

Kenya waxay sheegtay inay Xeryahan xidhi doonto marka la gaadho bisha 30-ka Juun ee sannadka 2022-ka.

Guddi ka socda dawladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa billaabi doona qorshaha lagu dedejinaayo xidhitaanka Xeryaha laga bilaabo 5-ta bisha May 2022-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dawladda Kenya.

Dadka qaxootiga ah ayaa dib loogu celin doonaa waddamada ay kasoo jeedaan. Waxaa sidoo kale qaxootiga kasoo jeeda Bariga Afrika qaarkood fursad loo siin doonaa inay helaan oggolaansho shaqo, si ay uga shaqaystaan gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay xilligan ku jiraan xeryaha Dadaab iyo Kakuma qaxooyi dhan 433,765. Bishii hore ayey dawladda Kenya soo cusboonaysiisay go’aanka ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootiga.

Hay’adda xuuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo dhowaysay go’aanka dawladda Kenya.

Loading...
Loading...