Maamulka Puntland Oo Ka Horyimid Guddi Dawlada Federaalka Ahi U Magacawday Arimaha Xajka
Garoowe(HWN):-Maamul goboleedka Puntland ee soomaaliya ayaa ka horyimid guddi ay dawlada federaalku u magacawday arimaha xajka.
Wasiirka Caddaalada iyo Diinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa shaaciyay in Puntland uusan khuseyn Guddiga qaabilsan kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan oo ay dhowaan magacowday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in Puntland aan lagala tashan magacaabidda guddigaasi, isagoo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay ku soo wareejiyo qoondada ay ku leeyihiin xujeyda Soomaalida oo gaareysa 11,500 Xaaji.
Wasiirka ayaa sheegay in haddii aan Puntland loo soo wareejin qoondadeeda, ay taasi calaamad u noqon doonto in xukuumadda Federaalka aysan dhab ka ahayn, inay wada-shaqeyn la yeelato dowlad goboleedyada dalka.
Puntland ayaa ku doodeysa inay iyadu maamuleyso xujeyda ka dhoofaya degaanadeeda, ayna dooneyso in qaab maamul goboleed loo qeybsadao degaanadeeda, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ku shirayaan magaalada Garowe.


0 





